Hargeysa, Somaliland (Hubaal) – Muwaadin reer Somaliland, isla markaana haysta dhalasho Wadanka Denmark oo lagu eedeeyey inuu Nin ku soo dilay Denmark ayaa shalay dacwadiisa oo loo ballansanaa dib loo dhigay muddo afar cisho ka dib.
Muwaadinkan ayaa magaciisa la yidhaa Cumar Xasan Cumar waxaanu xafiiska xeer ilaalinta degmadda Hargeysa dhagaysiga dacwadiisa dib u dhigtay muddo afar jeer oo hore, iyadoo illaa hadda jirin cid mudici ku ah oo dacwad keentay maxkamadda.
Cumar Xasan ayaa muddo dheer ku noolaa dalka Denmark, isla markaana ay u joogaan caruur iyo xaas ayaa markii uu wadanka dib ugu soo noqday, inkastoo aan wali la sheegin wakhtiga uu dalka yimid, balse ciidamadda amnigu waxay xabsiga u taxaabeen bishii June, 2014, isagoo ilaa hadda xabsiga ku jira.
Inkasto maxkamadda degmaddu dhower jeer sheegtay inay dacwadiisu ka bilaabmi donto ayaa sababo aan la sheegin dib loogu dhigay tiro afar jeer ah, sidoo kale, waxa xeer ilaalintu ku eedeeysay inuu dalkaasi uu ka yimid nin ku soo dilay, haseyeeshee Illa hadda oo muddo sanad ku dhow uu ku xidhan yahay jeelka Hargeysa marna dacwadiisa lama bilaabin.
Si kastaba ha ahaatee, muwaadinkan ayaa dawladda Denmark ku eedeeysay in sanadkii 2012 nin dalkaasi u dhashay uu dilay ka dib dagaal ka dhacay meherad habeenkii lagu cawern jiray oo ku taalay dalkaasi.
Xeer ilaalinta ayaa dacwadan Xasan Cumar u cuskatay qodobka 434 ee xeerka ciqaabta guud, haseyeeshee xeer ilaalintu ma cadeyn cidda dacwadda ku soo oogtay iyo cida dacwaynaysa, laakiin garyayaqanka u dooday muwaadinkan ayaa ganafka ku dhuftay waraaq la sheegay inuu saxeexay oo uu codsaday in dalkii uu ka yimid dib loogu celiyo, waxaanu looyarka u doodayey tilmaamay in waraaqdaasi aanu sii xor ah u saxeexin, waxaana lagu ballamay in maalinta Axadda oo maxkamadda la keenayo ka hor cadeeyo in ogol yahay in dib loo celiyo iyo inuu dalkiisa joogayo.
Warar kale ayaa sheegay in Dowladda Denmark codsaday in muwaadinkan dalkoodda dib loogu soo celiyo si dacwaadiisa loogu qaado maxkamada dalkaasi.
Warbaahinta dalka Denmark ayaa dhawr jeer wax ka qortay kiiskan, haseyeeshee illaa hadda xukuumaddu arrintaasi Kama hadal.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI