Hargeysa:(Hubaal)-Qaar kamid ah muwaadiniinta Somaliland eek u dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa si adag cabasho uga muujiyey wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Siilaanyo, taas oo ku aadanayd in dan guud loo bixiyo dhul ku yaallay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.
Dadkan oo aad u tiro badan, ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu dib u eego dhulkii uu amarka ku bixiyey in dan guud loo bixiyo, waxana ay sheegeen in dhulkooda wixii xaqa loogu lahaa hore looga bixiyey, isla-markaana baahi loo qabo in arrintooda hoos loo eego.
Sucaad Maxamed Cali-waash oo kamid ah dadka dhulkooda ay muranka gelisay wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha, ayaa si farshaxannimo ah farriin ugu dirtay madaxweynaha Somaliland, waxana iyada oo arrimahaas ka hadlaya ka hadlaysana waxa ay tidhi, “Madaxweyne Warqadda wareegtada ah ee aad maayarka caasimadda iyo wasiirkii Hawlaha guud ku amartay in dan guud loo bixiyo ayaa nalagu dhacay, waxana nalagu dhacay dhul sharci ah oo aanu haysano, dawladduna wixii ay xaqa noogu lahayd sifaheedii oo dhan waanu wada marnay caddaymihiina waanu haysanaa, mudane madaxweyne Dadka cumaamadaha sita waa lala xaalaa, wasiirrada iyo jananada waa lala xaalaa, laakiin maatida dhulka ayaa la jiidaa, anigu laba sano maxkamad ayaan taagnaa, waxana aan ahay gabadh agoon ah oo muwaadinad ah.”.
Qaar kamid ah dadka cabashada ka qaba wareegtada madaxweynuhu kasoo saaray dhulka garoonka diyaaradaha ee Cigaal ku xeeran, ayaa iyaguna shaaciyey in caddaaladarro badan ay tirsanayaan, waxana ay xuseen in dhulkii kale oo dhan la xalliyey marka laga tago hal beer ah,“Nin aanu walaalo nahay ayaa saldhigga qudhac dheer muddo afar cisho ah ku xidhan isaga oo aan maxkamad la geynin, haddii uu dambiile yahayna cidda dembiga ku haysaa maxkamad ha geyso, meesha nalagu haystaana waa dhulkii aanu ku dhalanaye madaxweyne hoos u eeg, masaluhuna 14-beerood buu lahaa oo garoonku galay, 13-kii kale la iskuma haystee waxa la isku haystaa waa beertii ilma cali-waash.” Ayuu yidhi mid kamid ah dadka cabashada ka muujiyey wareegtada madaxweynaha.
Sanado ka hore ayey ahayd markii uu madaxweyne Siilaanyo wareegto kasoo saaray dhul ballaadhan oo ku xeeran garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxana uu maayarka caasimadda iyo wasiirka hawlaha guud faray inay dadka dhulkaas leh si caddaalad ah u furdaamiyaan, balse qaar kamid dadkii dhulkaas lahaa ayaa weli caddaaladdaro tirsanaya.