Madaxtooyada Oo Si Kooban Uga hadashay Kulanka Madaxweynaha iyo Siyaasi Buubaa , kaasi oo ay sheegtay in Is Afgarad uu Ku Dhammaaday
Hargeysa(Hubaal):-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay qaabilay siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. Qoraal kooban oo wata sawirrada madaxweynaha iyo Siyaasi Buubaa oo lagu baahiyey barta xidhiidhka bulshada [Facebook] ee madaxtooyada ayaa lagu shaaciyey kulanka labada masuul, kaasi oo aan si faahfaahsan aysan madaxtooyadu u sheegin nuxurka uu daarnaa , balse qaabilaada madaxweynaha ee siyaasi Buubaa ayaa lagu macnayn karaa in isu soo dhawaanshe dhinaca siyaasadda ahi uu ka dhex dhashay labada dhinac, maadaama oo Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre uu kamid ahaa xubnihii dhinaca siyaasadda u qaabilsanaa shirkii dhawaan beellaha Garxajis ugu soo xidhmay buurta Gacan Libaax ee Gobolka Saaxil. Waxaaana kulankaas lagu sheegay in uu is afgarad ku soo dhammaaday. Qoraalka lagu baahiyey facebook-ga madaxtooyada oo koobnaa waxaa uu u dhignaa sida tan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta [shalay] oo salaasa ahayd kulan gaar ah la qaatay siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, xubinna ka ah xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. kulankaasi ayaa kusoo dhammaaday is afgarad, waxaana ay madaxweynaha iyo siyaasigu isla qaateen inay si joogto ah uga wadashaqeeyaan danta guud iyo horumarka qaranka.