Muxuu Daarnaa Socdaalkii Hugunka ahaa ee uu Hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyada iyo La taliyayaasha madaxtooyada ee Waraabe la hadalka ahi

0
56

Muxuu Daarnaa Socdaalkii Hugunka ahaa ee uu Hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyada iyo La taliyayaasha madaxtooyada ee Waraabe la hadalka ahi ay ku tageen Degmada Taleex si ay uga yagleelaan Degmadaas Gobol cusub oo la magac baxey Xaysimo. Qalinkii A/rahman fidhinle
Bal kawarama Siyaasadii JSL oo gacanta u gashey bar-barad khushi-talaabsanaya oo aaney cidi ku qabsaneyn, Waa taa hadana Siyaasadii socod baradka jahwareersan aheyd ee JSL gashay dalqo Bahal ! Ma xuma in maamulka la gaadhsiiyo Gobolada Bari oo Taleexna Gobol laga dhigo, Laakiin su’aashu waxay tahay madowbaa?? in Wasiirka madaxtooyada oo isagu hada metela Raisal Wasaaraha Qarsoon ee JSL oo shacabka JSL ucadeeyey in uu midida Daabkeeda hayo ay isaga iyo Xukuumadiisan booshaaqan ay iska magacaabaan Gobolo iyo Degmooyin aaney ansixin Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Guurtidu ?? Waa sida uu dhigayo Dastuurka Qaranka JSL. Su’aasha Labaadna waxay tahay gobolkaa cusub ee loogu magac darey Xaysimo iyo Tuulooyinkiisaa degmooyinka looga dhigay ma soo celinayaan ilaadadii, Qalbigii iyo Quluubtii shacabka reer Sool, Sanaag bari iyo Ceyn (SSC ).

 

Wasiir-Xirsi2.jpg

Maadaama aan weli la soo xero gelin xubno culus oo aaminsan Khatumo state?? Halkeese ayey iyaguna ku danbeeyeen Halyeyadii, Siyaasiyiintii iyo Ruug-cadaagii Gobolkan ka soo jeedey ee Nabadeynta iyo Fidinta Maamulka gobolkan hore bud-dhiga iyo baleysinka ugu dhigay? Xageey ku danbeeyey? Waa Su’aalaha Qarniga ” Millanium Questions”
a)- Ruug cadaa: Ahmed Mohamed Xaabsade, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii JSL bud-dhigay kaas oo shaqsi ahaan fufudeeyey in Gobolka Soolna uu si nabdoon uu ugu fido maamulka JSL.Wuxuu ku danbeeyey in ay Xukuumada Siilaanyo bahdisho oo uu si karaamo la’aan ah biil yar uun loogu qoro oo uu ildhaha ka daawado filinkaa cusub ee ka socda Goboladii Degaankiisa.
b)- Xaguu ku danbeeyey? Fu’aad Adan Cade oo isaga lagu darey La taliyaasha Madaxtooyada Karaa-mardha ee Waraabe Lahadalka iyo Waraabe u-taaga ah. Kaas oo isaguna Juhdi badan iyo tacab badan geliyey sidii beelahaa Barigu ay uga qeyb qaadan lahaayeen anfaca, iidaanka, mansabka iyo ilaha dhaqaalaha ee ay Xukuumada Siilaanyo ku soo koobtey beesha dhexe, xigtadeeda, xasabadeeda iyo xulafadeedu uun in ay laba lisaan. Kaas oo isna buulka la dhigay.
c)- Xaguu ku danbeeyey ? Kurneyel Ibraahim Caydiid Dhab-dhableh oo ahaa Masuulkii hogaaminayey soo xero gelintii Gobolka sool, qarameyntii iyo dhismihii ciidamada iyo maleeshooyinkii is baarooyinka daadsan jirey deegaanadaa bariga Somaliland. isna waa ramiimka oo waa lagu guurey uun.
Waxaa aqoonyahanka iyo wax garadka JSL ee fogaan araga ihi ay ka dhawaajiyeen in Bud-dhigaa Gobolka Xaysimo iyo tuulooyinkiisaa loo dalacsiiyey degmooyinka ay tahay mid khamaar ah oo lagu kala iibsadey Digo iyo Danbas, Maadaama aan la waafajin Dastuurka Qaranka JSL oo aan laga ansaxin Golayaasha qaranka JSL,Taas oo Kulankaas ay labadii garab ee kulmay ee uu Hogaaminayey W.Madaxtooyadu ay qoloba qolo khiyaameysey maadaama ay arin ugaar ahi qoloba ay goljilicda ujiiftey.
1- Qolada Reer Taleex iyaga waxa uqarsoonaa oo ay geed dheer iyo geed gaabanba ay hore ugu fuuleen oo usuurto geli weydey sidii ay mar uun goboladoodu ay ubuuxin lahaayeen shuruudaha Dawlad Goboleedyada Somalia (DFS), Taas oo lagu xidhey in ay 3 gobol iyo degmooyinkooda ay badka soo dhigaan si ay uga midnoqdaan dawlad goboleedyada Dawlada Federaalka ah ee Somaaliyeed.DFS.
2- Xukuumada Siilaanyana waxaa uqarsoonaa oo aaney reer Taleex ogeyn in badankii shacabkii reer Somaliland ee Xukuumada Siilaanyo doortey gaar ahaan beelihii ay isku xulufada ahaayeen xukuumada Siilaanyo,beelahaas oo sabab iyagu u ahaa ama keenayba intii ubadneyd codkii uu Siilaanyo kursiga ku fuuley ay maanta beelahaasi ka tashadeen oo kalsoonidoodii ay kala noqdeen Xukuumada Siilaanyo iyo Xisbigeediiba halkaana Xisbigii Kulmiyey iyo Xulufadii kowaad ee xisbiga kulmiye ay ku baa’ba’een ka dib markii ay ku fashilantey Xukuumadii Siilaanyo balan qaadyadii baf-bafta iyo beenta ahaa ee ka buuxey buugeedii cagaarnaa. Xukuumada Siilaanyo waxay siyaasadeedii ku soo koobtey “Shaqsi jecleysi,ganacsi, dilaalis, hanti lunsi iyo sheerar kala iibsi, xiqdi, xasad iyo xajiin la isu mariyo shacabkii iyo beelihii Somaliland ee wadaaga iyo walaaltinimadu ka dhaxeysey” Hadaba xogta uqarsoon Xukuumada Siilaanyo ayaa noqoneysa in Gobolkan cusun ee Taleex ( Xaysimo ) oo noqon doona “Zone Miinaato” Maadaama aan weli Xubno badan oo mayal adag oo Animsan Khaatumo state aan weli la soo xero gelin, in ay Xukuumada Siilaanyo isxulafeysi ka quudi doonto shacabkeeda kulana heshiiso si ay uga faai’deysato Doorashooyinka soo socda, codka shacabka Gobolkaa cusub ee Xeysimo oo noqon doona gobol “Zone Melataro” ah taas oo Ciidanka dawlada ee degaankaasi deganina ay codka ufududeyn doonaan xukuumada sidii ka dhacdey Doorashadii Xaqdarada iyo Xaaraanta aheyd ee Golayaasha degaanka ee ka qabsoontey JSL. Sebtembar 2012-kii.
Guntii iyo-Gebogebadii: Siyaasada guracan ee bar-baradka ugacan gashey ee xukuumada Siilaanyo ku caanbaxdey waxay lumisey haykalkii, hanaankii iyo karaamadii dawladnimo,taasna waxaa cadeyn kuugu filan asqo xukunka hada wadanka ka jira iyo Xeer-illaaliyihii qaranka ee dhawaan Maxkamada dhexdeeda mujaahid Yusuf Abdi Gaboobe ku yidhi iyada daahir yaa shamis ah “Cagta hoosteeda ayaad iigu jirtaa ee car juuq dheh,” Ma waxaa iyo Musuq-maasuqa aad wada aragteen aad wada maqasheen iyo hugunkeeda iyo hadaaqeeda aan duxda iyo iidanka laheyn ee aad wada aragtaan si guud iyo si gaar ahba ayeynu dib u soo ceshanaa oo dib u-soo dooranaa oo lagu goblamaa !! Waa Maya !! Mise waxa aynu ka shaqeynaa oo hormood ka noqonaa sidii loo badbaadin lahaa qaranka ragaadey ee raranka ku saarmey gacmihii loo dhaariyey ee lagu aminey kuna hagaasey ee ku baaba’ay.Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa mar-walba iyo maantaba in xal la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo dabaalo midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd.
Afeef: (Qormadani waa aniga rayigeyga shaqsiga ah, waana la iigu garaabi karaa, layguna diidi karaa, lagana doodi karaa.)
.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
fidhinle@aol.co.uk
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here