Muxuu Ku Dhammaaday Wada-hadalkii Mucaaridka iyo Xukuumadda Oo Xalay Lagaga Raad-gatay War-fidiyeennada

0
32

Wejiyadii Hore ee Ambassador+ Wareegii Labaad  Maansoor+Ballantii Dembe Ee Guriga Ka Qabsoontay

 asxaabta

HArgeysa (Hubaal)- Wejigii saddexaad ee wada hadalka u socday Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaridka, ayaa  xalay cawayskii lagu kala jabay natiijo ka soo baxda, kadib markii xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo dhinac ah iyo Xisbiyada UICD iyo KULMIYE oo Dhinaci ahi warbaahinta u kala sheegeen mawaaqiif kala duwan oo la xidhiidha halka uu wada hadalku marayo

 Wada hadalkan ayaa aan wax war ahi ka soo bixin wixii laysku af gartay hase yeeshee warbaahinta oo dibada ka joogtay madasha shirku ka socday ayaa ilo wareedyo ku dhaw madashu ay tibaaxeen in heshiis yac yacood ah laysku af gartay  hase yeesh hasa yeeshee laysku diiday in la shaaciyo immika iyo in kale.    Wada hadalkan oo ka qabsoomay xalay cawayskii  guriga madax weyne ku xigeenka kadib markii laga raad-gatay warbaahinta oo daba guuraysay kolba halka shirku ka socday ayaa haddaba  Dhinacyadan ayaa markii laga soo baxay madasha shirku ka socday siyaabo gooni gooni ah ugu warramay warbaahinta.

WADDANI

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee  WADDANI   Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro]  oo markii uu kulanka ka soo baxay  war fidiyeennada kula kulmay ayaa bulshada Caalamka iyo Shacbiga Somaliland ugu baaqay in la soo kala dhex galo Xukumadda iyo Mucaaradka kadib markii la isku mari waayay wada hadaladii u socday ee foolka foolka ahaa.

 “Maanta [Xalay] Waxa aanu iskugu nimi fadhigii Saddexaad, waxaana aanu rajaynaynay in kolleyba heshiis ka soo baxo. Intii hore fadhigi wuu fiicnaa oo waa la dooday” sidaas ayuu Guddoomiye Cirro u sheegay war fidiyeennada oo ku sugayay  afaafka hore ee  guriga Madaxweyne ku xigeenka, waxaanu intaa ku daray “Kulankaasi is af garad la’aan ayuu ku dhammaaday, waxaanuse diyaar u nahay cid kasta oo xal u haysa arrintan inay na soo dhex galaan, hadday yihiin saaxiibaddii aanu ka nimi ee KULMIYE iyo UCID, hadday yihiin shacbiga Somaliland iyo hadday beesha caalamka yihiinba, ciddii xal arrintaasi ka gaysanaysa diyaar baanu u nahay annagu” ayuu guddoomiye Cirro hadalkiisa ku soo koobay.

UCID

Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa isaguna qalbi furan ku soo dhaweeyey halka ay wada hadalku marayaan , waxaanu sheegay in qoddobo xal ah layla qaatay saddexda dhinacba hase yeeshee ay laba arrimood soo dhex galeen shaacintiisa “Maanta waxaanu idiin sheegaynaa in mawaaqiiftii markii hore la taagnaa layskaga soo dhawaaday jawiguna uu wanaagsanaa waxna laysla qaatay, haye yeeshee wixii laysla qaatay  laba arrimood baa soo dhex galay oo ay codsadeen dhinaca xukuumaddu” sidaa ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan, Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, waxaana isaga oo sii faahfaahanaya  hadalkiisa uu  intaa ku daray “  in loo sii daayo si public ah [warbaahinta loo sheego] iyo in dib loo dhigo] iyo dib loo dhigo  wada hadallada muddo 24 Saacadood ah illaa 48 saacadood ugu badnaan. Waxaanay yidhaahdeen labadaas arrimood ha inoo qarsoonaadaan oo wada hadalladu weli way noo socdaan, [iyagoo ku sababeeyey] waxaanu soo dhamaystiraynaa wax kasta oo nagaga xidhan wixii aynu ku heshiinay”.

UCID Mawqifkee bay ka istaagtay soo jeedintii xalay

 

Musharraxa Madaxweyne ku xigeenka UCID Md. Cabdirashiid Xasan Mataan oo war fidiyeennada ku sugnaa wajahada Madasha shirku ka socday wax ka weydiiyeen Mawqifka ay UCID Ahaan ka istaageen Soo jeedinta xukuumadda ee labada ah, maadaama oo dhinaca kale ee Mucaaridka WADDANI ay Madasha ka soo dareereen, iyagoo sheegay in aan wax is af garad ahi wali soo bixin, waxa uu yidhi “ Anagu Xisbiga UCID ahaan waanu qaadanay maalin iyo laba inaanu sugno, [waayo] waxa laga hadlayaa arrin sahlan maaha, waa masiirkii UMMADDA oo haddii aan la xalin dhibaato badan keeni kara, markaa in maalin iyo lababa aanu sugno xukuumadda oo ay hawlaha ka qabyada ah soo dhamaystirtaan waanu qaadanay” ayuu hadalkiisa ku soo gebo gabeeyey Musharraxu.  Hase yeeshee weriyayaasha oo su’aalo badan u diyaarsaday inay masuuliyiintu ka jawaabaan ayaa isla markii Cabdirashiid hadalka dhammeeyey isu daran dooriyey su’aalo ku dhereran sida ay u kala duwan yihiin mawqifka UCID iyo Mawqifka WADDANI ka istaagay wada hadalka oo iyaga ka hor warbaahinta u sheegay in aan is af garad jirin. Su’aalahaasna waxa ka mid ahaa:

S:  xisbigii kale ee WADDANI si weyn bay uga soo hor jeesteen arrintan, dabcan idinkuna UCID ahaan waad mahadinaysaan, wararka qaarna waxay sheegayeen in aad laba meelood shirka ku kala galayseen, arrintaa maxaad kaga jawaabaysaan?.

J: anigu waan idiin sharxay inaanu saddexda xisbiba aanu saxeexnay oo qawaaniin ahaan [Principally]  wax isla meel dhignay, arrinka laysku qabtay ee WADDANI ka kacayna waan sheegay, annaguna waxaanu ogolaanay in aanu laba iyo saddex cishoba sugno, laakiin wada hadal burburay ma jiro”.

KULMIYE

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin oo isagana warbaahintu wax weydiisay ayaa yidhi sidan:   “Xisbiyadda qaranku cidna u ma yeedhanayaan bulsho weynta caalamkana uma yeedhanayaan cida ku deg degeysaana meel uu leeyahaya iyo dal uu leeyahay ayuu geynayaa (Beesha Caalamka), laakiin waxa wada hadlayaa waa Xisbiyaddii qaranka oo dad badan oo nooyimid way jiraan cid walbana waxaanu ku nidhi Xisbiyaddanu iyaga ayaa arinkooda ku filan, arinta kale waxa weeyaan Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye halkoodii ay taagnaayeen kamay soo guurin, Xisbiyadda iyo Xukuumaddana xero gaar ah iyo meel gaar ah oo u tilmaaneyd may jirin oo Xisbiga Kulmiye-na Axwaalaha Siyaasiga ah waxa uu la wadaaga Xisbiyadda kale ee Mucaaridka ah oo halka ay dantu moodo iyo halka leyskugu guuro ayey Kulmiye-na tegayaan”

 GEBO-GEBO

Gogosha wada hadalka oo Xukumaddu fidisay ayaa labadii cisho ee hore ka qabsoomay Hotelka Ambassador, hase ahaatee kulankan ayay Xukumaddu u soo leexisay hotelka Maansoor, balse bacda qadadii ayaa Xubnaha wada hadalka ugu jira Mucaaradka iyo Xukumaddu u kaceen Guriga Madaxweyne xigeenka halkaasi oo galinkii dammbe ee shalay  oo dhan wada hadalku uga socday. Sababta loo tagay Guriga Madaxweyne xigeenka ayaa loo aanaynayaa in dhinaca xukumaddu ka madax gadayso ama ka gabanayso Saxaafadda oo Maansoor u tagtay soo tabinta warka.

 Mucaaradka iyo Xukumadda ayaa isku mari waayay wakhtiga 22 bilood ah ee loo kordhiyay Xukumadda Siilaanyo iyo golaha wakiilada, iyadoo Xukumaddu ku adkaysanayso inuu yahay go’aan sharci ah oo guurtidu gaadhay, halka Mucaaradku ku dhagan yahay muddada halka sanno ah ee Komishanku hore u soo jeediyay. Wasiirka Kallumayigsa Oo Ka Hadlay Saamaynta Ay Dagaaladda Yemen Ku Yeesheen Ganacsaiga Somaliland, Sheegayna In L Joojin Doono Qaadka Itoobiya Ka Imaadda

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here