Hadii aynu isku dayno in aynu wax ka saadaalino in axsaabta siyaasada Somaliland ay heshiis ka gaadhaan khilaafkii doorashooyinka Somaliland oo soo jiitamayey labadii sano ee u dambeeyey isla markaana dalkii galiyey xaalad cakiran oo siyaasadeed.
Haddaba marka aynu gudo galno khilaafkii mudadaa labada sano ah soo socday iyo waxii uu salka ku hayey , waxa aynu odhan karnaa dano siyaasadeed iyo in la kala adkaado ayaa u ahayd saldhig , sababta oo ah waxa la isla gaadayey qorsheyaal iyo shirqoolo siyaasadeed oo la is tab iyo xeelad fahmayey.
Xisbiga weyn uu mucaaradka ah ee Waddani ka dib markii doorashadii lagaga guuleystay Madaxwaynaha oo ay tabashooyin ka qabeen in qaladaad jireen natiijada , ayaa marka xaqiiqada loo dhaadhaco qaladaadkii ay tirsanayeen aanay ahayn qaar natiijadii doorashadii dhacday 13 Mov 2017 wax yeelaya sababta oo ah marka si mug leh loo eego doorashadaasi waxa lagu galay qalab casri ah runtiina marka doorasho la eego tii ugu qaladaadka yarayd ayay ahayd , isla markaana waxa ay ahayd doorashadii aan natiijadeeda la is haybsanin ee cod la isku muquuniyey badan .
Haseyeeshee Xisbiga Waddani waxa ay ku doodeen in natiijada doorashadii lagu shubtay hadana shacabka waxa ay la wadaagi kari waayeen bal qaabka loogu shubtay iyo goobta ay ku taageero xooganaayeen ee lagaga shubtay , taasi oo ka xisbi ahaan sumcad daro u noqonaysay maadaama si qurux badan loo kala guuleystay ay ahayd in iyaguna ay wanaaga ka raacaan oo ay haneeyaan.
Taasi may dhicin xisbiga Waddani waxa ay ururiyeen qaladaad dhacay oo komishanka iyo shaqaalihiisa ka dhacay goobihii doorashada , waxa kale oo ugu weynaa waxyaabaha ay ku durayeen natiijada in qalabkii indhaha ee lagu diwaan galiyey dadka aanu goobihii laga codaynayey oolin taasi oo sahli karaysay in laba qof oo isku eegi isku codeyn karaan iyo dad aan da’dii gaadhin in la diwaan galiyey , laakiin dadka aqoonta u leh isla markaana ka soo shaqeeyay doorashooyinka Somaliland way garan karaan qaladaadka noocaas ahi inta ay ka noqon karaan doorashada oo wax iska kooban ayey noqonayaan , isla markaana aan gobol gaar ah ku koobnayn.
Laakiin marka ficiltankii xanafta badnaa ee kaambaynka doorashadii madaxtooyada dhex maray xisbiyada Waddani iyo Kulmiye la eego ayaa qoraalkan iyo cabashadan loo fasiran karayey in looga jeedo in natiijadii doorashadii dhacday cambaar loogu yeello oo arinku ahaa ( cad yahow ku cunay ama ku ciideeyey ) , waxaana xisbiga Waddani ku dooday in komishankii doorashadaasi hore qabtay la badelo maadaama oo aanay aamini karayn in ay doorasho kale u qabtaan.
Qolada hogaanka dalka haysa ee Xisbiga kulmiye waxa aad moodaysay in ay far garanayaan oo waxa ay ku doodeen komishankaasi wax ceeb ah iyo wax lagu kala diro midna muu galin , ee mudadiisa ayuu dhamaysanayaa , iyaga oo u fahansanaa hadii komishankaa la kala diro dee doorashadii ay qabteen 13 Nov 2017 waxa ay noqonaysay waxba kama jiraan iyo hal bacaad lagu lisay , markaa waxa ay ku adkaysteen komishankaasi waajibaadkiisii horena wuu ka soo baxay , wax meesha ay kaga tagaan oo dambi ahina ma jiraan oo mudadooda way dhamaysanayaan.
Halkaasi marka la isla marayo ayaa Xisbiga Waddani waxa uu joojiyey wada shaqeyntii komishankii doorashada Somaliland taasina waxa ay caqabad ku noqotay in wax talaabo doorasho iyo hawlaheega ah hore loo qaado , in badan ayaa dhex-dhexaadin laga galay oo la isku dayey bal in axsaabta siyaasada la isku soo dhaweeyo si ay Somaliland doorasho uga dhacdo laakiin way suuragaliwayday in ay heshiiyaan .
Intaasi markii ay dhacday ayaa odayeyn iyo dhex-dhexaadin kale la galay waxaana lagu heshiiyey in komishankii hore hawlihiisa sii wato , komishanka cusub ee la magacaaboyona 9 xubnood laga dhigo oo axsaabta siyaasadu min laba laba xubnood yeeshaan oo qaab dhismeedkii komishanka doorashooyinka ee hore wax laga badelo kaasi oo ahaa 7 xubnood oo ay axsaabta mucaaradka ahi ku lahaayeen xisbi waliba 1 xubin , waxaana la isla gartay in xeerka wax laga badelo oo Golaha wakiilada Somaliland la horgeeyo lagana wada hawlgalo hawshaasi .
Markii hawshaasi la galay ayaa xisbiga Kulmiye hawshii uga fadhiistay oo aanay sidii la rabay uga hawlgalin markii Golaha wakiilada Somaliland la geeyeyna aanay ka ololeyn sidii balantu ahayd waliba iyaga oo haysta aqlabiyada Golaha wakiilada, taasi waxa ay dhalisay in labada Xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI halkaasi iska raacaan oo ay isku mawqif ka moqdaan kana hor yimaadaan xisbiga kulmiye oo ay sheegaan in qalooca uu isagu wado , halkii eedaymihii hore ay ku eekaayeen Xisbiga Waddani , haddaba intii la is haystay ayaa waxa dhamaatay mudo xileedkii komishankii hore ee doorashada Somaliland.
Halkaa marka uu xaal marayo ayaa waxa soo baxday in ururada siyaasada la hadal hayo ama la danaynayo , dabadeedna labada xisbi mucaarid ayaa waxa ay mawqif isku mid ah ku cadeeyeen in ay ka tanaasuleen in xubnihii loogu darayey komishanka cusub oo ay rabaan in doorashada lagu galo sidii hore ee 7 xubnood ahayd isla markaana mar la wada qabto doorashadii Golaha wakiilada Somaliland iyo doorashadii Golayaasha Deegaanka dalka sanadka 2020 , waxaana la soo magacaabay komishankii doorashada ee cusbaa .
Halkani ayuu haddana ku bilowday khilaaf hor leh iyo murug kale ka dib markii Madaxwaynaha Somaliland soo magacaabay xubin lagu doodayey in aanay shuruudaha Xubinta komishanka lagu xulanayo buuxinin , khilaafkii oo taagan ayuu madaxwayne Biixi ku adkaystay in hadii xubintaasi wax ka dhiman yihiin jaran jarooyinka sharci ee ka dambeeyaa soo celin doonaan , sidii madaxwaynuhu u soo magacaabay ayaa lagu ansixiyey , markii la arkay in aan la kala baxayn ayaa Golaha wakiilada oo mudadii ka dhamaatayna Golaha Guurtida Somaliland u kordhiyeen laba sanadood taasi oo khilaafkii jiray cirka ku sii shareertay.
Marka halkaasi la isla marayo ayaa xisbiga Waddani diiday in uu xubintiisii komishankaasi uga qayb galaysay in ay la noqdeen komishanka doorashooyinka ee la sameeyeyna u aqoonsanayn komishan qaran, isaga oo xisbiga UCID na ku raacay walow ay xubintii uu soo magacaabay ku jirtay komishanka oo maalmahan ugu dambeeyey iska cadishay komishanka doorashooyinka Somaliland .
Gudi dhex-dhexaadinaysa ayaa ka ergaysay labada dhibacba oo kalsooni ay siiyeen gudidaasi intii ay arinka ku jirtay ayaa Xubnihii komishanka degdeg loo dhaariyey isla markaana ay is doorteen iyada oo Gudoomiye loo doortay xubintii khilaafkuba ka taagnaa , dabadeedna gudidii dhex-dhexaadinta ayaa waxa ay soo saareen go’aan ah in komishankan muranku ka taagan yahay la kala diro , komishankii hore ee khibrada lahaana la soo celiyo , soo jeedntaa xisbiga Waddani iyo Ucid way aqbaleen , xukuumadiina way aqbashay ha yeeshee waxa uu sheegay Madaxwaynuhu in aanu jirin sharci uu ku kala diri karo komishankaasi cusub isla markaana uu arko isagu sharci in ay yihiin , laakiin hadii la rabo in ay meesha ka baxaan aanay ahayn hawl isaga kaligii u taalla.
Marka waxaasi oo dhami soo dhaceen oo khilaafkii iyo murugii halkiisii taagan yahay ayaa Madaxwayne Muuse Biixi maalin dhawayd oo uu jeediyey khudbadii sanadlaha ahayd ee labada gole uu ka horjeediyo sanadkiiba hal mar waxa uu ku sheegay maadaama ay heshiin waayeen axsaabta siyaasada Somaliland mudadii ururada siyaasada la furayeyna ay ka hadhay 2 sano , si xal loo gaadho waa in ururadii siyaasada Somaliland la soo dedejiyo sharcigana wax laga badelo , dhawaqaasi oo dadweynuhu aad u soo dhaweeyeen isla markaana loo arkay fursad u soo baxday muwaadiniinta aan axsaabta maanta jirta aan ku qancin.
Haddaba waxa shir cadho ka muuqato oo ay arinkaasi kaga soo horjeedaan wadajir u qabtay axsaabta mucaaradka Somaliland UCID iyo Waddani oo ku tilmaamay in uu madaxwayne Biixi isku badelay kalidii taliye isla markaana uu rabo in uu axsaabta mucaaradka Somaliland in uu meesha ka saaro oo uu qaar kale la soo baxo waa sidii ay hadalka u dhigeene , baaqan oo dhaliyey in daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland ay dalka yimaadaan bal in mar kale la heshiisiiyo axsaabta siyaasada Somaliland si dalka doorasho uga dhacdo , waana dhex-dhexaadintii 3 aad sida aan filayo ee beesha caalamku ka gasho doorashooyinka Somaliland , ilaa haddana ma sugna wax la isku af garan doonaa.
Haddaba Maxay Ku Heshiin Karaan Axsaabta Siyaasadda?
1- Hadii aynu saadaalino waxyaabaha lagu heshiin karo uguna macquulsan waxa ka mid ah in la yidhaahdo furista ururada siyaasada xiligoodii ha loo daayo oo noqonaysa sanadka 2022 , doorashadii Golaha wakiilada Somaliland na hala qabto sanadkan , doorashadii deegaankana dib ha loo dhigo si loogu beego xiliga ururada siyaasada la furayo.
2- in doorashada Golaha Wakiilada Somaliland dib loo riixo qabashadeeda la iskuna afgarto in ururadii siyaasada Somaliland la furo oo sadexda urur ee xisbi u soo baxaa ay galaan doorashadii Golaha wakiilada Somaliland.
Labadan qodob ka horena waxa uu faaiido u leeyahay axsaabta mucaaradka oo hadii doorashadii Golaha wakiilada Somaliland la galo waxa ay xoog ku yeelan karaan Golaha wakiilada Somaliland waxaana ay diidi karaan ama iska xishi karaan in aan ururadii siyaasada Somaliland la qabanin .
Qodobka labaadna waxa uu dan u yahay xukuumada oo hadii ay tartanka ururada siyaasada Somaliland qabato waxaaba suuragal ah in axsaabta meesha jooga maantu ay ka wada baxaan meesha oo axsaab kale oo cusubi timaado.
Isku soo wada duub oo Allow yaanu waaga Waraabe cunin bal aynu eegno natiijada iyo xalka khilaafka doorashooyinka Somaliland oo dartii wafti culusi dalka u yimid sida aan maqlayno.
Muxamed Dhimbiil