“Naarta Ka Cab” Duterte Oo Markale Dagaal Dhanka Afka Ah Ku Qaaday Obama Iyo Midowga Reer Yurub

0
24

madaxweynaha-philippine

Waxa uu sidoo kale Midowga Yurub ku yidhi “ku sii nagaada meel u dhaxeysa geerida iyo naarta maadaama naarta ay idinka buuxsantay.”

Madaxweynaha dalka Philippines Rodrigo Duterte ayaa mar kale dagaal dhanka afka ah ku qaaday dhiggiisa dalka Mareykanka.

Duterte ayaa yidhi madaxweyne Obama “naarta ha ka cabbo” kaddib markii Obama uu dhaleeceeyay dagaalka qalafsan ee dowladda Philippines ay kula jirto kooxada mukhaadaraadka ka ganacsada.

Waxa uu sidoo kale Midowga Yurub ku yidhi “ku sii nagaada meel u dhaxeysa geerida iyo naarta maadaama naarta ay idinka buuxsantay.” Khudbad uu ujeediyay saraakiil muxali ah iyo mas’uuliyiinta shirkado ganacsi ayaa Duterte waxa uu sheegay in aad uga xumaaday sida Mareykanka uu dhaliilay qaababka Philippinnes ay ula tacaasho la dagaalanka mukhaadaraadka, Waxa uuna Mareykanka ku tilmaamay xulufo aan la isku halayn karin, waxa uuna tibaaxay in dalkiisa uu u weecan doono dhinaca dalalka Ruushka iyo Shiinaha.

Duterte waxa uu sidoo kale shaaciyay in Mareykanka uu diiday in uu hub ka iibiyo dalkiisa, waxa uuna sheegay in waddamo kale ay hubkaasi ka soo iibsan doonaan. Hadalka madaxweyne Duterte ayaa ku soio beegmaya xilli Mareykanka iyo Philiphines ay si wadajir ah u billaabeen doolatus milatari.

Dagaalka uu Duterte kula jira kooxaha daroogada ka ganacsada ayaa sabab u noqotay in dalkaasi ay ka dhacaan dilal sharci darro ah oo loo geystay dadka arrimnahaasi lagu tuhmnayo. Dalka Philippines ayaa in muddo ah Mareykanka oo hore u soo gumeystay la lahaa xidhiidh aan wanaagsanayn.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here