Nabad-diidka KHAATUMO-SEEG Oo Dagaal Ka Dhan Ah Shilinka Somaliland Ku Qaadday Xarumaha Ay TELESOM & SOMTEL Ku Leeyihiin Deegaanka Buuhoodle Iyo Xukuumadda Oo Aan Weli Ka Hadal

0
36

Suxuurtii Habeen Hore ayaa Dabley Nabad-diidkani Dab Qabad-siiyeen Taawarro Ay Labadan Shirkadood Ku Leeyihiin Deegaanka Hor-u-fadhi

Weerarkan Ayaa Daba Socday Hanjabaad Ka Dhan Ah Adeegyada Shilinka Somaliland ee ZAAD Iyo E-Dahab Oo Dhawaan Malleeshiyadani Ku Goodisay

 shirkadaha isgaadhsiinta

Horu-fadhi (Hubaal)-Malleeshiyada nabad diidka ah ee Khaatumo Seeg ayaa ku faantay Weerar ay habeen  hore ku qaadday Taawarro isgaadhsiineed oo ay leeyihiin shirkadaha Isgaadhsiinta ee TELESOM iyo SOMTEL, kuwaas oo ku yaallay deegaanka Hor-u-fadhi oo dhinaca waqooyi kaga began magaalada Buuhoodle, waxaana Sida ay Goob-joogayaal u xaqiijiyeen Wargeyska Hubaal, waxa ay Habeen hore xilli ku dhaw Suxuurtii Kooxo Hubaysan oo watay Gaadiidka yar yar ee raaxadu ay dab qabadsiiyeen Taawarro laba ahaa oo shirkadaha Telesom iyo Somtel Halkaas ku lahaayeeen, kuwaas oo isku meel ku yaallay.  Afhayeen Heer Wasiirnimo sheegtay oo Maleeshiyadaas u hadlay, magaciisana ku sheegay Axmed Gacma-yare ayaa sheegay inay iyagu ka Dambeeyeen Gubidda Taawarro-daas, waxana uu sababta ku sheegay inay shirkaduhu dhegaysan waayeen Farriimo ay hore ugu direen. Eng. Axmed Maxamed Cali (Anwar) oo ka tirsan Shirkada Telesom ee degmada Buuhoodle ayaa Qoraal kooban oo uu ku faafiyay boggiisa Face-book-gga ku sheegay inay hantidan lahaayeen dad deegaanka Buuhoodle kasoo jeeda, isaga oo khasaarahaas dhacay ku eedeeyey Maleeshiyada Khaatumo-seeg ee ku faantay Gubidda Hantidaas shacabku lahaa. Goob-joogeyaasha Wargeyska HUBAAL la hadlay ayaa intaa ku daray in  aanay Taawarradaasi lahayn wax Ilaalo hubaysan oo arrimaha noocan oo kale ah ka difaacdaa, marka laga reebo Niman  ilaalo ama waashmaano ah oo Goobahaas ilaaliyaa. Sidoo kale Engineerka ayaa sheegay in ay ku aad ugu adkeyd inay u gurmadaan halka uu falku ka dhacay oo ka durugsanayd, balse khasaaruhu uu ka yar yahay midkii ay kooxaha hubeysan doonayeen.  Dadka deegaanadaas iyo kuwa degmada Buuhoodle ayaa ka xumaaday dhacdadaas, maadaama khasaare kasta oo la gaadhsiiyo Taawarrada Shirkadahaasi ay keeni karaan in Shacabka deegaannadaasi  ay Go’doon xagga isgaadhsiinta ah Galaan. Nabad-diidka  Khaatumo-seeg, ayaa hore ugu Gooddiyey inay Weerari donaan Xarumaha ay shirkadda Telesom Gaarka u leedahay, kadib markii ay shirkaddu soo  kordhisay Adeegga Zaad-ka iyo shilinka somaliland la isku isticmaalayo, balse shirkaddu arrimahaas dheg uma ay jalaqsiinin, maadaama aan xaq loogu lahayn. Labadan shirkadood ee xarumahooda la gubay oo fadhigooda guud yahay Caasimadda Somaliland ayaa ilaa haatan ka hadal sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha guud ee soo gaadhay, Marka laga reebo madax Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ee degmada Laascaanood oo arrinta uga waramay Qaar kamid ah Warbaahinta, kaas oo  sheegay in khasaaruhu haatan ku eg-yahay qalabkii deegaanka taawarku ku yaallay isgaadhsiinta mobilka siin jiray iyo agabyo kale oo gubtay,  waxaana uu intaas ku daray inaan qulqulkii is-gaadhsiineed  ee kale aanay waxba gaadhin. Xukuumadda Somaliland, oo iyadu qaranka masuul uga ah ilaalinta hantida muwaadiniinta ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin khasaaraha Shirkadaha isgaadhsiinta kasoo gaadhay Kooxahaas Budhcadda ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here