“Naga Daaya Qabiilka oo Ha Na Dhex Eryina Qabiil Annagaa Maalinba Kuwa Meesha Fadhiista La Xisaabtamayna e’ “

0
14

Eng. Faysal Cali-waraabe

Hargeysa (Hubaal):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal CalI Waraabe ayaa ka hadlay dhibaatooyinka dalka ka jira waqtigan, waxaana uu ku sababeebay hoggaan-xumo, in dalku aanu lahayn dadkii hoggaamin jiray bulshada, waxa uu kow u soo qaatay salaadiinta, culimada, aqoonyahanka iyo siyaasyiinta oo uu tilmaamay in doorkoodii maqan yahay.

“Qaybis iyo kala qaybin meelna laguma gaadho, Xamartaas aad aragtaan ee beenbeenta ah nabadgalyo mahaystaan waad arkaysaan waxa maalin walba ka dhacaaya wax u dhisan ma jiraan ee waa la haystaa 22 kun oo ciidamo ah ayaa haysta neecawdaas ay aan maanta ku shirayno kuma shiri karaan, samir ayaa la yeeshaa wanaagana waxa lagu gaadhaa tartiib tartiib, dal waa lagu dumin karaa maalmo laakiin laguma dhisi karo sanado midba marka uu yimaado waxbuu ku dari doonaa sidaas ayuu u soconayaa horumarku. Ayuu yidhi guddoomiye Faysal oo khudbad ka jeedinayay xaflad uu kaga qaybgalay degmada Bali-mataan

Faysal Cali Waraabe shacbiga u soo jeediyay in loo baahan yahay in dadku ay midoobaan oo la helo masuul la doortay oo bulshada u adeega, isla markaasna lala xisaabtamo. “Annaga noo daaya siyaasada annaga ayaa la xisaabtamayna maalinba kuwa meesha fadhiista ha na dhex eryina qabiilka hadda qabiilkiiba na fuushan oo nagga xoog batay asxaabtiina waa ay jiifsatay hada ayaanu doorashadii soo celinaynaa, waxaanu rajaynaynaa inaan sanadkan doorasho inoo qabsoonto, waxaanu jecelnahay inaan dad wanaagsan aanu baarlamaanka u keeno, dawladah hoose u keeno musuqa la dagaalama qabiilka la dagaalama oo dad wanaagsan ah, markii hore miyiga la joogay waar yaa geedka inoo tagaa ayaa la odhan jiray qofka wanaagsan ayaa la gayn jiray, hada kii qaad bixiya ayaa la keenayaa oo aan caqli lahayn waatas magaaladeenii kudaafad noqotay Hargeysa, 25 nin oo reer Hargeysa ah ayaa fadhiya.” Ayuu yidhi

“Baarlamaankeenii waad aragtaa qof kaliyaata oo meeshii laga soo doortay u doodayaa ma jiro oo leh magaaladayada biyo iyo dugsi halakeeno oo caafimaad ma jiro, nin waliba tiisa ayuu u ordayaa dabadeedna tii la wada lahaa ayaa baylahday, wax aan wada leenahayba ma jirto oo hadaan umaddu wax ay wada leedahayba oo ay ilaashanaysaa aanay jirin waxba iskuma aha waa inaan yeelanaa abtirsiimo qaran ah.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa

Ugu danbayn, Faysal Cali-waraabe waxa uu soo jeediyay in bulshadu is jeclaato oo ummaddu hoggaan wanaagsan ay hesho, waxaana isagoo ka hadlaya uu yidhi; “Halays jeclaado oo dadka mudakarka ah ee magacyada sitaa caaqil,Suldaan ama siyaasiye waa inuu dadka wanaag faraa inuu dadka qaybiyo maaha, qaybis waxba laguma noqdo idnimo ayaa wax lagu noqdaa. Alle nabadalyada haynoo adkeeyo, barwaaqo hayna siiyo iyo hagaan fiican, hogaan la’aan ayaa ina haysata suldaan ma lihin,sheekh ma lihin, siyaasi iyo mutacalinba ma lihin, umad dhan oo meel aad u irkataa aanu jirin kawaran, alle hogaan fiican hayna siiyo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here