“Nalka Yurub Ka Baxayaa Ninkii Nacasi Eegtaa!”

0
84

Caways Lagu Sagootiyey   Qoraaga Maxamed Baashe X. Xasan Oo In Ka Badan Soddon Sannadood   Kadib  Si Rasmi Ah ugu Soo Guuray Dalkiisa Hooyo13775395_1161405300547254_3678530832728270827_n

Lama huraan waa caws jiilaal!, 33 sannadood iyo afar bilood ka dib ayaan geyigaygii hooyo si rasmi ah u degi doonaa oo aan dadkayga wax kula qabi doonaa, haddii uu Alle idmo. Xilligaas hore (1983) qori ayaan ku hubaysnaa oo i hagayey, maantana (2016) qalin baan ku gaashaamanahay oo wax suuraynaya. Waa laba waajib gudasho oo kala cayn iyo caynad ah. Waa dareen ay hilow iyo boholyow, tin iyo cidhib ka buuxaan oo lahasho iyo wada xadanto miidhan ah. Wax badan oo wacan oo aan soo arkay, waxna aan ka soo ogaadey intii aan dibedda meerayey oo aan dalkayga la soo jeclaaday, ayaan kula noqonayaa oo la wadag is leeyahay dadkaaga. Meelaha aan is leeyahay wax baad ku biirin kartaa waxa ugu mudan warbaahinta oo ah takhasuskayga aan gaarka ugu tababbartay iyo waxbarashada oo ah lafdhabar aan aad u daneeyo. Warfaafin xubin leh oo habraac iyo anshaxa tebinta u xilata oo u xeebata iyo warfidiyeen tababbaran oo ku baraarugsan isu dheellitirka tebintiisa iyo mas’uuliyadda iyo feejignaanta warfidiyeennimo, waxa aan is leeyahay waxa aynu u qabnaa baahi badan.

Aqoon Ahaan Dad U Dhisan Ayaa Horumar Ahaanna Dal U Dhisi Kara.

Waxa kale oo ay ila tahay in loo baahan yahay waxbarasho dux iyo leh xabagtii isku xidhi lahayd ardayga iyo geyigiisa oo ka jawaabi karta oomanaanta ogaal iyo kasmeed ee ardayga kaga oogan afkiisa, dhaqankiisa, taariikhdiisa, diintiisa, khayraadka dabiiciga ah ee dhulkiisa; bad iyo berriba ama uur iyo oogoba, iyo ahaanshihiisa dunta iyo harqadda qofnimadiisa iyo geyiilennimadiisa xaq iyo xuquuqeed dirkaba. Is oggolaysiinta waxbarashada iyo diinta, dhaqanka, suugaanta iyo afka ummadda, iyo garashada ardayga, waxa ka soo bixi kara siyaasi abyi kara, abuuri kara aragti wax-ku-ool ah iyo hal-abuur biyo fadhiya dhaqaajin kara oo ka jawaabi kara tabashooyinka daxalaystey iyo baahida shin-dhaafka ah ee guud ahaa dalka iyo dadka, gaar ahaanna dhallinyarada ka sii kufriyaysa aaminaadda iyo ku dhaadashada ahaanshahooda iyo geyigooda.

Meel kastaa waa guri adduunka korkiisa lagu noolaan karo, guriga dalkaagaa se ugu wanaagsan.

“Hooyaday docdeeduna, Ka dugsoon docaha kale!” ayuu hore yidhi Abwaan Ibraahim Gadhle, AHN. Ilaahayow geyiga hooyaannu dhereg kaaga sugaynaa ee yuhuunta, yu’ashada iyo yeelaha dedaalka noo rumee oo noo xasili. Aamiin. Farxad iyo riyaaq aan xad lahayn ayuu igu gilgilayaa dib u guuritaankaygu.

Qalinkii: Maxamed Baashe Xaaji Xasan

London. UK

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here