Narendra Modii Iyo Cimraan Khaan: Yaa Ku Guuleystay Dagaalka Aragtida Dadweynaha?

0
10

Kadib siideyntii duulihiyhii u dhashay dalka Hindiya ee ay qabatay Pakistan, ayaa waxaa la filayaa in ay degto xasaraadda u dhaxeysa labada quwadood ee haysta hubka halista ah ee niyuukilarka. Waxaana raja weyn oo colaadda iney nabad ku soo afjaranto ay timid kaddib marki uu Ra’isal wasaaraha baakistaan Cimraan Khaan uu ku dhawaaqay inuu sii deynayo duuliyaha uu dalkiisu ka qabsaday Hindiya. Marka su’aasha la isweydiinaya waxay tahay labada hoggaamiye yaa guuleeystay?

Galabnimadii Khamiista, Ra’iisul wasaaraha Baakistaan Cimraan Khaan, ayaa baarlamaanka dalkaasi kaga hor dhawaaqay in Baakistaan ay sii deyn doonto duuliyaha reer Hindiya ee ay qabteen, taasi oo micnaheedu ahaa baaq nabadeed oo ay Baakistaan direysay. Dhanka Delhi, Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, oo ka hadlayey kulan ay lahaayeen saynisyahannada dalkaasi, hadalki ka soo yeedhay Mr Khan wuxuu kaga jawaabay hadal uu kaga soo horjeedo isaga oo sheegay ‘inuu soo afjarmay mashruuci duuliyaha’ isla-markaana ‘la guda geli doono sidi aan uga dhabeyn lahayn’. Hadalka ka soo yeedhay Modi inkasta oo ay taageerayaashiisu ku farxeen haddana dadka ka soo horjeeda ayaa hadalkiisu u arkay qayladhaan dagaal ooncusub iyo mid aan nuxur badan lahayn. Maalintii salaasada, saacado kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Hindiya ay galeen gudaha Baakistaan, iyagoo bartilmaameedsaday waxa ay ku tilmaameen xeryo argagixisada lagu tababaro, Mr Modi ayaa furay olole ballaaran oo – doorashooyin guud ee dalka ka dhici doonto muddo bil ah kaddib.

Wuxuuna Mr Modi sheegay ‘iney ka goa’ntahay amniga iyo xasiloonida dalka Hindiya, ilaa aan ka xaqiijiyo dalka Hindiya inuu ammaankiisa sugan yahayna uu halgankiisa sii wadayo’ iyada oo dadki khudbaddiisa dhageysanayey ay aad u farxad gelisay hadalka ra’isal wasaarahooda ka soo yeedhay. In ka yar 24 saacadood ka dib, Baakistaan ayaa jawaab kulul bixisay, waxayna soo rideen diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Hindiya, taasoo mareysay hawada gbolka Kashmiir ee ay Bakistaan maamusho, waxayna gacanta ku dhigtay duuliye Abhinan Varthaman.

Inkastoo labada dhinacba ay cadaadis caalami ah ay la kulmayaan sidi ay u xakameyn lahaayeen xiisadda colaadeed, Mr Khaan ayaa gaaray go’aan isla markaana soo bandhigay in la sii deynayo duuliyaha ay Hindiya ka qabsadeen. Dhanka kale, Mr Khan wuxuu ka mid ahaa xiddigihii ugu wanaagsanaa ee ciyaraha cricket-ka ee adduunka ugu fiican maalmihi uu ciyaarayey .

Dhacdooyinki ugu weynaa ee soo dhexmaray Hindiya iyo Pakistan

14-ka ilaa 15-ka Feebarwari: Nin isa soo miidaamiyey ayaa qarax ku dilay ugu yaraan 40 ka mid ah booliska sida militariga u tababaran ee Hindiya oo ku sugnaa gobolka kashmiir ee ay maamusho Hindiya. Weerarkaasi oo ay Hindiya ku eedeysay iney ka dambeeyeen koox lagu magacaabo Jeish-e-Mohammad uu fadhigoodu yahay Pakistan. Pakistan waa ay diidday iney kooxdaasi taageerto iyo iney weerarkaasi ku lug leedahay midna.

18-ka Feebarwari: ciidamada Hindiya iyo dableey ka tirsan kooxda Jeish-e-Mohammad ayaa rasaas isweydaarsaday, waxaana ku dhintay 9 qof. Dagaalkaasina wuxuu saameeyey dadka ka soo jeeda Kashmiir oo ku nool gobollada kale ee Hindiya oo xadgudubyo badan.

19-ka Feebarwari: Baakistaan ayaa Hindiya digniin ku saabsan weerarka ay Baakistaan ku soo qaadday u dirtay Hindiya xiisadda labada dalna cirka ayey isku sii shareertay.

26-ka Feebarwari: Hindiya ayaa weerar dhinaca cirka ah ku qaadday Balakot, oo ka tirsan dalka Baakistaan. Weerarkaasi oo ah kii ugu horreeyey oo dhaca tani iyo marki uu dhammaaday dagaalki labada dal u dhexeeyey ee 1971-kii. Hindiya oo sheegtay weerarkaasi cirka ee ay qaadday iney ku beegsneysay dagaalyahannada ay ku sheegtay argagixisada.

27-ka Feebarwari: Baakistaan waxay soo ridday laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahay Hindiya waxayna qabatay mid kamid ah duuliyeyaashi diyaaradahaasi waday oo lagu magacaabo Abhinandan Varthaman. Wasaaradda warfaafinta Baakistaan waxay boggeeda soo dhigtay muuqaal muujinaya duuliyaha oo indhaha loo xidhay sankiisana dhiig uu ka da’ayo.

1-da Maarj: Pakistan waxay sii deysay duuliyihi Hindiya ee ay qabsatay, waxaana xadka Hindiya loogu sameeyey munaasabad ballaadhan iyada sida geesi qaran loogu soo dhaweeyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here