Nashqadda Shahaado Lagu Maamuusay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaallaha Dawladda Iyo Sababta Uu Ku Mutaystay

0
32

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaallaha Dawladda Oo Hawsha Uu Hayo Ku Mutaystay Abaal-marin Iyo Nashqadda Shahaado Sharaf Lagu Maamuusay

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa la gudoonsiiyey shahaado sharaf lagu maamuusay isla markaana uu ku muteystay dedaalka iyo hawl karnimadda shaqadda uu qaranka u hayo ee dawladda iyo shacabka Somaliland uu ugu adeego sida aan hagrashadda laheyn ee Caddaaladda ah.

Xaflad ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaradda ku mideysan ururka Samafalka waddaniga ee loo soo gaabiyio magaciisa  (YDAO), ayaa Munaasibad ay Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa Habeen hore ku qabteen, waxay Shahaado Sharaf ku guddoonsiiyeen Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, taasi oo sida ay sheegeen uu ku mutaystay ka dib xog ururin iyo baadhis ay ku sameeyeen shaqadda uu qaranka u hayo masuulkan dada yar iyada oo xor ururintaasi ay muuqaaladdeeda soo bandhigeen aanay isaga uun ku koobneyn ee masuuliyiin kale oo tiro badan oo xilalka ay qaranka u hayeen ururkaasi qiimeyn ku sameeyey laga doortay Mr Sharmarke ka dib markii ay ogaadeen in uu si fiican oo caddaalad iyo Karti leh uga soo baxay xilkiisa qaran ee Madaxweynuhu u igmaday.

Gudd Hay'adda Shaqaalaha Dawladda

Ururka Dhalinyarta ee YDAO loo soo gaabiyo magaciisa, ayaa madasha ay Shahaado Sharafta ku guddoonsiiyeen masuulkankan ka mid ah dhalinyaradda ugu dada yare e raga dawladda xilalka ka haya, waxay halka ka sheegeen intii ay xog ururinta iyo baadhista ku jireen codadkii ay dadka Somaliland qaarkii gaar ahaan kuwa Magaalooyinka dalka ee waa weyn ku dhaqan waydiiyeen masuulka ugu wax qabadka badan ee ugu daacadsan in Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle nasiib u helay in uu ku guuleysto codadkii ugu badnaa ee bulshaddu ugu qirtay hawlkarnimadda iyo daacadnimadda uu ugu adeego xilka qaran ee uu masuulka umadda uga yahay sida darteedna ay urur ahaan shahaadadii xog ururinta ku saleysneyd ay ku guddoonsiiyeen.

Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ugu dambeyntii markii dhalinyarta ururka Dhalinyaradda ee YDAO ka guddoomay shahaado sharafta waxa uu uga mahadceliyey dhiirigelinta ay u sameeyeen iyo sida ay ugu sharfeen ugu marag kaceen xilka uu umadda uga masuulka yahay isaga oo balanqaaday in hadii ALLE l garab galo aanu waxba iska hagran doonin dedaal iyo halgan dheerna u geli doono oo halka ka sii wadi doono in uu umadda caddaalad iyo shaqo hufan uga adeego inta uu xafiiskaasi umadda ka dhexeeya ee uu wakiilka dawladda uga yahay uu shaqadiisa siihayo.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here