Wasiirka Waxbarashada Soomaaliland Oo Dalka Ku Soo Laabtay
Hargeysa (Hubaal):-wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay safar uu ugu maqnaa wadanka Itoobiya. Wasiirka waxbarashada ayaa markii uu dalka ku soo laabtay aan ka hadal safarkiisa balse Afhayeenka wasaarada waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa xalay Wargeyska HUBAAL u sheegay in ujeedada safarka wasiirku ay la xidhiidhay sidii uu dalka Itoobiya ugu dooni lahaa deeq waxbarasho oo la siiyo ardayda sanadkan ka soo baxaysa dugsiyada sare ee dalka, waxaanu sheegay inay wasiirka weheliyeen xubno ay ka mid ahaayeen agaasimaha tacliinta sare ee wasaarada Yuusuf Axmed Cali, la taliyaha wasiirka Jaamac Cumar Axmed iyo aqoonyahan Cabdilaahi Maxamed Xirsi oo ka mid ah madaxda hay’addaha caalamiga ah ee la shaqeeya wasaarada. Dhinaca kale Afhayeenka wasaarada waxbarashadu waxa uu sheegay in maanta ay wasaarada iyo xafiiska imtixaanaadka qaranku si rasmiya ugu dhawaaqi doonaan natiijada imtixaanaadka dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee dalka, kuwaas oo natiijadooda la sugayey mudooyinkii ugu danbeeyey.