Nuxurka Qoddobo Madaxweyne Siilaanyo Uga Digaya Inaanu Isku Hallaynin Muddo-kordhinta Guurtida Ee Uu Kursiga Ku Fadhiyo
Hargeysa (Hubaal)- Shirkii Maalmahan sida wada jirka ah ugu Socday Xisbiyada Ucid iyo Waddani, ayaa ugu dambayntii laga soo saaray Go’aamo lix ah oo nuxurkoodu yahay inay Axsaabta Mucaaridka ahi kusii dhegsan yihiin hirgelinta Heshiiskii xukuumadda iyo Xisbiyada Dhexmaray, waxana ay madaxweynaha ku cadaadiyeen inuu ku dhiirrado hirgelinta Heshiiskaas. Go’aamada Shirkaas laga soo saaray, ayaa madaxweyne Siilaanyo kula talinaya inaanu isku hallaynin muddo-kordhinta Golaha Guurtida, waxana Axsaabta mucaaridku ku hanjabeen haddii Heshiiskaas la meelmarin wayo inay dib ugu noqon doonaan Muddadii Komishanku cayimeen oo ahayd Bisha June ee Sanadka soo socda ee 2016-ka. Waxa ay Xisbiyada Mucaaridku Madaxweynaha uga digeen inuu iska dhegomariyo heshiiskii ay xukuumaddu la gashay xisbiyada Mucaaridka ah, kaas oo ay sheegeen inay wali hirgelintiisa marti u yihiin.
Go’aamada Asxaabta Mucaaradku ay soo saareen ayaa sidatan ahaa:-
- In Madaxweynuhu sida ugu dhakhsaha badan u fuliyo heshiiskii saddexda xisbi qaran ku heshiiyeen ee gogoshii madaxweynuhu fidiyay 26, May, 2015.
- Haddii madaxweynuhu fulin waayo heshiiskaas, waxaa muuqata inaanu madaxweynuhu rabin inay dalka ka dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah. Waxaa lagama maarmaan ah in aanu dalbanno in beesha caalamku na soo dhexgasho.
3.Waxay labada xisbi go’aansadeen, in aanay aqbali doonin waxaan ahayn wakhtigii saddexda xisbi iyo xukumaddu isla qaateen ee ahaa December, 2015. Haddii xukumaddu fulin waydo heshiiskaas waxay labada xisbi ku noqon doonaan wakhtigii komishanka doorashadu cayimay ee ahaa in doorashada la qabto June, 01,2016.
- Inaanu go’aanka guurtidu waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga Somaliland, sababtoo ah ma jiraan shuruudaha ku xusan qodobka 42-aad, farqadiisa 5-aad ee dastuurka ee sheegaya duruufaha doorashada dib u dhigaya. Inaanay guurtidu xaq u lahayn laalista wakhtiga komishanku cayimay, islamarkaana aanay xaq dastuuri ah guurtidu u lahayn cayimaada doorashada.
5.Annagoo ka duulayna dhammaadka muddo xileedka madaxweynaha iyo golaha wakiillada, iyo go’aankii maxakamadda sare soo saartay ee ay ku amraysay in si degdeg ah loo soo afjaro khilaafka wakhtiga doorashada, waxaanu diyaar u nahay fulinta amarka maxakamadda. 6.Shirku wuxuu go’aamiyay in nabada, xasiloonida iyo jiritaanka madaxbanaanida Somaliland tahay muqadas. Waxaa go’aankaasi ku saxeexnaa Guddoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Labada hogaamiye xisbi ayaa madaxweynaha ku boorriyey inay fuliyaan soo jeedimaha Asxaabta Mucaaradka ah ee Somaliland.