Natiijadii Imtixaannaadka Shahaadiga Ah Ee Sanadkan Oo La Shaaciyey & Dugsiyada Dawliga Ah Ee Caasimada Afka Ciidda Daray

0
144

“Xafiiska Imtixaannaadku Qorshe Ayuu Dhejiyey,  Si Aanu Ardayga   Uga Bi’ino Cabsida Imtixaanka Uu Ka Qabo Nasiib Darro Se Kuwi Magaallada Joogay Dheg Umay Dhigin Qorsheyaashii Wasaaradda” Wasiir Habanne

Hargeysa (Hubaal) – Wasaaradda WAxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa malaintii shalay waxaa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada sideedaad ee dugsiyada hoose/dhexe eesanad dugsiyeedka 2016 illaa 2017. Munaasibad maalintii shalay lagu qabtay hoolka shirarka ee xafiiska  guddida imtixaannaadka qaranka oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta sare ee wasaaradda waxbarashadu oo uu ugu horreeyo wasiirka wasaaradaasi Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi Dheere), Guddoomiyaha guddida xafiiska imtixaannaadka Qaranka Daauud Axmed Faarax Bile iyo saraakiisha sarsare ee wasaaradaas ayaa   lagaga dhawaaqay natiijada imtixaannaadkii sanad dugsiyeedkan ooay u fadhiisteen  ardaydii ugu tirada badnayd ee  imtixaannaadkalaga qaado, kuwaasoo tiradoodu dhamayd  26051 [lix iyo labaatan kun iyo kow iyo konton arday], hase yeeshee waxaa imtixaannkaasi ku guul daraystay oo iyagu dhacay arday dhan  3551 arday [saddex kun shan boqol iyo kow iyo konton arday].

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyotacliinta sare Cabdillaahi Ibraahim Habanne oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa ugu horreyn hambalyo u  diray ardaydii ku gudubtay imtixaannaadka isaga oo ugu baaqay in ay kuwa aan gudbini kalsooni naftooda siiyaan oo  aanay ka niyad jebin waxbarashada balse ay aqoontooda kabaan dibna ugu laabtaan  waxbarashadii sanad dugsiyeedkan.  “xafiiska imtixaannaadku qorshe ayuu dhejiyey, kaasoo ahaa in qof waliba uu xaqiisa helo wasaaradda waxbarashaduna waxay ku dadaashay inay manhajkii daabacdo, in ay TV-ga casharro ka bixiyaan macalimiintii buugta manhajka qortay si aanu ardaygii deegaammada fogfog  ku dhaqnaa aanu uga bi’ino cabsida imtixaanka uu ka qabo nasiib darro se kuwi magaallada joogay dheg umay dhigin qorsheyaashii wasaaradda”. Sidaa ayuu yidhi wasiir Cabdillaahi Dheere. Intaasi ka dib waxaa madasha ka yeedhiyey natiijadii imtixaanka guddoomiyaha xafiiska imtixaannaadka qaranka Daauud Axmed Faarax waxaanu  ku dhawaaqay tobanka dugsi sare ee ugu sarreeyey dugsiyada dawliga ah yo tobanka ugu sarreeya dugsiyada gaarka loo leeyaha ee dalka oo dhan markalaga yimaado dugsiga SOS.

Isku soo wada xooriyoo badiba dugsiyada sare ee magaallada Hargeysa ee dawliga ah ayaa ardaydoodu  aanay  ku guulaysan kaalmihii ugu sarreeyey marka loo eego sanadihii hore oo ay kusoo bixi jireen. Sidoo kale  tirada ugu badan ee ardayda dhacday ayaa ay dugsiyadani calanka u sideensanadkan.

Lasoco cadadyada soo socda ee wargeyska HUBAAL oo aanu idinku soo gudbin doono xogo faahfaahsan oo ku suntan liisaska ardayda dugsiyadu sida ay u kala heleen natiijada iyo sida ay ugu kala badnaayeen  dhibcaha gudbay kuwo aan gudbin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here