Natiijo Kasoo Baxday Shir Doceedyo Maalmihii U Dembeeyey Magaallada Burco Uga Socday Madax-dhaqameedka Beesha Bariga Burco Iyo Galbeedka/Waqooyiga Hargeysa

0
131

Mawqif Midaysan Oo Labada Dhinac Ay Shalay Ku Dhawaaqeen+Ballanqaadkii Suldaan Cabdillaahi Iyo Guddoonkii Suldaan XAsan

 

Burco(Hubaal) Salaadiinta Beelaha Habar-jeclo iyo Habar awal oo beryahanba shirar uga socdeen magaalo madaxada Togdheer ee Burco ayaa shalay xafladd balaadhan oo ay ku qabsadeen Hotelka City Plaza kaga dhawaaqay inay ku Heshiiyeen inay Codka siiyaan Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo C/raxmaan Saylici. Suldaanka Guud ee Beelaha Habar jeclo Suldaan C/laahi iyo Suldaanka Guud ee Habar Awal Suldaan Xasan ayaa madal ay goob joog ahaayeen kun qof oo ka soo kala jeeda Madax dhaqameedka labada Beelood ku kala guddoomay balanqaadka ah in ay labada Beelood u coddayn doonaan Musharaxiinta Kulmiye ee u Tartamaysa Jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka. Xafladda labada Beelood ku qabsadeen Burco waxa lagaga dhawaaqay inay labada Beelood si wadajir ah cod uga raadsadaan Beelaha kale ee Somaliland si ay taageero ugu raadiyaan musharaxiinta Kulmiye. Kulamadii gaar gaar ka ahaa ee labada Beelood yeesheen ayaa lagu go’aamiyey inay Beesha Habarjeclo Musharaxa Kulmiye ula tagi doonto in uu ku soo wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga marka uu talada qabto.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here