Aadaanka Salaaddii Jimcaha Ayaa Laga Baahiyay Telefishinka Iyo Raadiyaha Qaranka Ee Dalka New Zealand, Waxaana La Raaciyay 2 Daqiiqo Oo Waddanka Oo Idil Laga Aamusay, Si Loo Xuso Muslimiintii Ku Dhintay Toogashadii Ka Dhacday Masaajidyada
Hargeysa (Hubaal) Dalka New Zealand ayaa laga baahiyay codka Aadaanka Salaadda, waxaana guud ahaan waddanka laga aamusay muddo 2 daqiiqo ah, si loo dhageysto codka dadka muslimiinta ah loogu dhawaaqayo.
Arrintan oo lagu beegay salaaddii khudbada ee shalay ayaa qeyb ka ahayd xuska lagu asteynayay hal todobaad oo kasoo wareegay markii weerar lagu qaaday masaajidyo ay dad ku tukanayeen jimcihii lasoo dhaafay.
Ra’iisal-wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa ku biirtay kumannaan ruux oo ku baroordiiqayay meel u dhow masaajidka Al-Noor oo ka mid ah labadii masjid ee dadka lagu laayay. Imaam lagu magacaabo Gamal Fouda, oo salaaddii jimcada ee shalay tujiyay dadka ayaa yidhi: “Qalbiga ayaa naga jabay laakiin innaga oo dhan ma aynaan jabin”.
50 ruux oo muslimiin ah ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan 2 masaajid u geystay 15-kii bishan, xilli ay dadkaas ku guda jireen salaaddii jimcada, halka tobannaan qof oo kalena ay dhaawacmeen. Brenton Tarrant, oo u dhashay dalka Australia ayaa loo maxkamadeynayaa inuu falkaas geystay, waxaana la filayaa in dacwado kale lagu soo oogo. Maalintii khamiista ahayd ayey ra’iisal-wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern amar ku bixisay in waddankeeda laga mamnuuco guud ahaan hubka u sameysan noocii uu ninkaasi u isticmaalay weerarka.
Maxaa dhacay shalay oo Jimce ahayd?
Dad gaadhaya kumannaan qof ayaa isugu tagay fagaare u dhow masjidka Al-Noor, si ay u xusaan Jimcaha qaran ee kasoo wareegtay maalintii uu dhacay falkii lagu laayay dadka.
Aadaanka salaadda, oo muslimiinta loogu dhawaaqo si ay salaadda usoo xaadiraan ayaa laga baahiyay telefishinka iyo raadiyaha qaranka ee dalka New Zealand.
Waxaa la raaciyay 2 daqiiqo oo waddanka oo idil laga aamusay, si loo xuso muslimiintii ku dhintay toogashadii ka dhacday masaajidyada.
Khudbad ay xilligaas ka hor jeedisay Ms Ardern ayey ku tidhi: “New Zealand way idinla baroor diiqeysaa, kulligeen waxaan nahay mid”
Waxay tusaale ka dhigatay xadiis uu nabi Muxammad (csw) ku sheegay in dadka muslimiinta ah dhibka walaalahood soo gaadha ay ka xanuunsadaan, ayna la mid yihiin sida qof ay jidhkiisa meel ka mid ah xanuuneyso inta kale ee jidhkiisa ka mid ahna ay dareemeyso.