Nidaamka Axsaabta Siyaasaddu Saamayn Ma Ku Leeyihiin Abaaraha Taagan.?

0
58

Marka hore waxaynu nahay bulsho muslim ah 100/100 intii uu ilaahay koonka ku uumayna ku abtirsanaysay. Nolosha bulshadeenu miyi iyo magaalaba waxay ku xidhantahay xoolaha noolo oo aynu siyaabo kala duwan u manaafacaadsato

Mudooyiinkii ugu danbeeyey waxa isa soo tarayey abaaro isdaba socda oo aan wax badani u dhaxaynin ilaa 7sano ku dhawaad ayeynu la tacaalaynay marba heer ay gaadhsiisantahayba. Inta la ogyahay taariikhda aabraha gayiga somalida  soo maray oo magacyo kala duwan loo bixiyey oo ku jirto tan hada aynu ku jirno oo aan wali maga rasmiya loo bixin ayey saamayn waxay ku yeeshaan bulshada miyi iyo magaalaba iyagoo si toosa u saameeya dadka xoolo dhaqata kuna nafwaayaan  dadka iyo duunyadduba Abaartan hada taagan ayaa waxay kaga sii darantahay kuwii hore wakhitiga ay jirsatay oo ka badan kuwii hore iyo saamaynta dhulka ay ka jirto oo ka badan intii hore iyadoo meel kasta oo ay somali dagto laga soo sheegayo.

Hadaba hadaan u imaado waxyaabaha anigu aan is idhi qayb wayn ayay ka yihiin aniga ugu horeyn ka eegaya waaqica diinig waxa quraanku uu inoo  sheegay in dhibaata kasta oo dhacda ama musiiibooyinku ay ka dhashaan danbiga bani’ aadmku uu ku sameeyo arlada guudkeeda taasoo sida quraanka ku cad uu waliba ilaaahay in badan inaga dhaafo/cafiyo oo aanu inagu ciqaabin waana ta loo bahanyahay ina lagu baraarugsanaado.

Maxaa dadka iska bedelay.

Wakhtiyadii hore dadku miyi iyo maagalaba waxay ahaayeen qaar xalaal miiradku uu ku badanyahay tusaale ahaan dadka reer miyiga  xata neefka baadida ah ee u soo hoyda xoolahooga ayey gooni u xarayn jireen iyagoo ka baqaya inay ku dhax daraan xoolohooda una arkayey mid aan xalaal u ahayn inkastoo ay jireen marka dhinaca kale laga eego dad xoolaha kala dhici jiray sida geela hadana waxa badnaa inta xalaasha taqaana ama aan macsida kale ku yartahay. Sidoo kale iyada oo ay ahayeen dad aqoontooda xaga diintu koobnayd  hadana yiqiintooda ilaahay  iyo tala-saarashadiisa ayaa ahayd hubka ay isku difaaci jreen,. taasi waxay ka dhigtay in dhibaato kasta oo ku dhacda marka ay ilaahay baryaan uu ilaahay uga  farajo haday abaar tahay iyo haday wax kale tahayba Dadka magaalada iyaga laftoodu may ahay dad danbiyada iyo macaasidu ku badantahay sida imika jirta oo aad moodo inay inagu badantahay xanta, beenta ,xaaraanta iyo cunfiga  caloosha wax la iskugu hayaa  waana ta keentay ayaan odhan dhibaatooyinka ay ka mid yihiin abaaraha soo noqnoqnaya, xanuunada aan la garanayn iyo busaaradaha baahsan.

Hadaba hadaan u soo laabto nidaamka xisbiyaddu kaalin intee le’eg ayuu ka qaatay Abaaraha waxan ku so ururinayaa hal qodob oo tusaale inoo noqon kara. Waxa dhici jirtay marka ay abaari dhacdo dadku iyagoo midaysan oo ay quluubtoodu wada jirto ayay ilaahay isku dhiibi jireen oo ay salaad roob doona tukan jireen waxaana dhici jirtay ilaahay inuu naxariistiisa u soo dadajiyo. Wakhtiga waxaa dhacda ina markasta oo roob doon lagu baaqo markaaba aad maqlayso dadka oo ku sheekaysanaya yaa wax ka aqbalaya dadkan calooshay ayaa wax la iskugu wada hayaaye. Cida ay sheegayaan ee caloosha wax ka koobanyihiin qayabaha kala duwan ee bulshadda oo ay kow ka yihiin  xisbiyada iyo taageerayaashada, culimada, ganacsatada iyo haldoorka kaleba. oo aad moodo in aanay isku  calool fayoobeeb, waana arin dhacda oo markasta khilaafku bani’aadamka kama dhamaado. Wakhtiga hadaba ta ugu daran ee gayiga ka jirtaa waa nidaamka axsaabta siyaasadda oo  cunfi iyo qabyaalada iyo qolqolo loo kala fadhiyo taasoo quluubtii kala jeedsatay.

Waxaan ku soo gabagabayn xibiyadu quluubtii dadka ayay qaybiyeene aynu quluubta midayno oo aynu xadhiga ilaahay wada qabsano sida uu ilaahay SWT uu kitaabkiisa inoogu sheegay ee uu ku yidhi “ Xadhiga ilaahay qabsada dhamaantiin oo hakala tagina”

Ilaahayna Aabaraha iyo Musiibooyinka kaleba ha inaga kor yeelo

W/Q: Deeq Aw Cali Yuusuf

deeqawcali@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here