Marka hore akhriste waxan kugu salaamayaa salaanta islaamka Asalamu Calaykum Waraxmatulahi wabarakatu, salaam ka dib maanta waxaan jecelahay inaad ila eegto faaiidooyinka iyo
faaiido darrada nidaamka halka haad ah ee waddooyinka taga suuqa ee casimadda baddalay, si adiga iyo aniga iyo ahristayaasha kaleba aynu u falanqayn karno una miisaano in marka la eego caasimada ay faaiido keeni karto iyo in ay carqalada iyo khalkhal ku keeni karto isku socodka gaadiidka.
Waxaynu ku bilaabaynaa qormadeena inaynu is barbardhigno faaiidooyinka iyo faaiido darrada, maadaama shay kastaaba uu leeyahay labadan dhinac, xukunka u danbeeyana lagu go’aamin karo marka miisaanka la isku saaro labadan dhinac. Waxa kale oo aynu ku eegin doonaa sida ugu fudud ee loo hirgalin karo.
Akhriste bulshadeena oo aan ka mid nahay adiga iyo aniguba waxaynu badanaa aragtiyaheena, xalalkeena iyo falanqaynteenaba waxaynu ku salaynaa sida ay gaar gaar inoogu taabanayaan kama eegno sida ay bulshada guud ahaan u taabanayaa.
FAA’IIDOOYINKA NIDAAMKAN
- Koobidda waqtiga qulqulka
In waddo marka hore ahayd nidaamka labada haad ah loo badalo nidaamka halka haadka ah, waxay qayb wayn ka qaadataa fududaynta qulqulka gaadiidka waqtiyada saxmada (Peak Hour), waxaa lagu qiyaasaa in isbadalkaasi fududeeyo qulqulka gaadiidka boqolkiiba 10 – 20, (10% – 20%). Fudaydkaasi waa mid laga dareemi karo waddada halbawlaha ah ee caasimada oo ay u saamaxday baaxada ay haysato iyo hoos u dhigid tirada gaadiidka isticmaalaya, waxaana ay kugu qaadanaysaa inaad dhanka galbeed uga baxdo suuqa hoose adigoo istiicmaalaya waddada halbawlaha waqti aad u yar.
- Hoos u dhigidda shilalka
Cidhiidhiga iyo tayada hooseeysa ee waddooyinku waxay xakameeyeen xawaaraha gaadiidka, waxaana ay ka dhigeen qaar feejigan wadayaasha tani waxay hoos u dhigtay shilalka gaadiidka ee ka dhaca isgoysyada waddooyinka magaalada. Hadaba nidaamkani wuxuu hoos u sii dhigi karaa shilalka ka dhici kara isgoysyada maadaama hoos loo dhigay gaadiidkii isticmaalyay oo ay meesha ka baxayso jihooyinkii loo leexanayay, tusaale ahaan haddii gaadiidka labada haad isticmaalayaa ay u laaban karayeeen 6 jiho oo haadkiiba 3 jiho isticmaalayay iminka waa 3 jiho oo kaliya maadaama uu haad kaliya yahay.
- Carqalad la’aanta isticmaalka dhinacyada waddada
Nidaamkan halka haad ahi wuxuu faaiidayn karaa in si fudud loo dhigan karo gaadiidka waddada dhinaceeda ama alaab laga dajin karo gaadiidka isticmaalaya iyada oo aan wax carqalad ah ku keenayn qulqulka gaadiidka maadaama ay baaxada waddadu ku fillantahay inay gaadiidku wada isticmaali karaan, waa haddii ay waddadu marka hore ahaan jirtay laba haad, tani waa mid aan suurtogal ka ahayn waddooyinka markii hore ba cidhiidhiga ahaa.
F.G. Faa’iidooyinkani waa qaar laga dareemi karo dhamaan waddooyinka markii hore loo isticmaali jiray laba haad balse aan marnaba laga dareemi Karin waddo marka horeba loogu talo galay hal haad oo aan lahayn baaxadii labada haad.
FAA’IIDO DARRADA NIDAAMKAN
Haddii aynu ka eegno dhinaca kale oo ah saamaynta toga nee uu isticmaalayaasha waddooyinka ku leeyahay nidaamkani, waxay noqon karaan ciwaanadan hoos ku xusan.
- Kordhinta masaafada
Nidaamkani waa mid soo koobaya waqtiga balse kordhinaya masaafada, waxaa dhici karta in goobtii uu hadafkaagu ahaa inaad u soo martid waddo ka dheer tii aad hore u soo mari jirtay sababta oo ah waddadii aad markii hore mari jirtay oo hadda noqotay hal haad oo ka gadisan jihada aad u sii jeedo, haddii aad ka timid agagaarka jaamacada hargeysa oo aad u socoto dhakhtarka wayn waxaa dhici karta inaad ka soo wareegto waddad maxkamada oo aad suuqa ka soo gasho Hotel jirde si aad u soo qabsato haadka dhanka galbeed u soo qulqulaya halka markii hore ay masaafadu ka gaabnayd. Fulinta nidaamkani waa mid kugu qasbaya inaad marto wareeg masaafo aanad hore u mari jirin si aad ugu dhacdid haadka ku gayn kara bartii hadafkaaga. Korodhka masaafadaa waxaa badanaa lagu qiyaasaa si guud inay 20% – 50% uu kordho wareega masaafadu marka loo eego nidaamka labada haad.
- Halista dadwaynaha isticmaala waddada
Marka ay waddadu tahay laba haad dadwaynaha isticmaala waddada dhinacyadeedu waa qaar ka war haya jihada gaadiidka oo waxay waddada u isticmaalaan si ka soo horjeeda qulqulka gaadiidka si ay u arki karaan gaadhiga ku soo wajahan, hadaba nidaamkani wuxuu khalkhaliyaa feejiganaanta bulshada isticmaalaysa dhinacyada waddada ee u sii jeedaa dhanka qulqulka gaadiidku uu u socdo maadaama aanay garanayn masaafada uu u soo jiro iyo xawaaraha uu ku soconayo. Nidaamkani waxa kale oo halis ugu yeelan karaa dadwaynahaa maadaama uu kordhayo xawaaraha gaadiidka isticmaalayaa.
MAXAY U BAAHAN TAHAY IN LA HIRGALIYO NIDAAMKAN?
Hawl kasta oo cusub oo ku jihaysan bulshadu waa mid u baahan in lagu dadaalo sidii bulshada looga dhaadhicin lahaa, waa mid u baahan in la sii ogaado waxa ka iman kara, sida loo xalin karo iyo sidii loo buuxin lahaa baahiyaha iyada oo aan la abuurayn baahi kale.
- Hirgalinta hababka hoos loogu dhimo xawaaraha
Marka waddo loo badalayo hal haad oo laga soo badalayo laba haad waa mid hubaal ah inuu kordhayo xawaaraha gaadiidka isticmaalaya waddaduu sidaa darteed mid ka mid ah kaabayaasha ay waddooyinku u baahan yihiin waa in la hirgaliyo hababka hoos loogu dhimo xawaaraha (Traffic calming measures). Tani waa qodob u baahan in laga hirgaliyo waddadii markii hore ahaan jirtay labada haad. Waxa kale oo u baahan in waddooyinkan loo sameeyo calaamada kala qaybisa labada haad iyo dhamaan calaamada waddooyinka ee muhiimka ah.
- Balaadhinta iyo dayactirka waddooyinka qaar
Haddii waddadii labada haad ahayd loo badalay hal haad, waxaa jira waddooyin lagu jabiyay haadkii kale oo loo wareejiyay, waxaa loo baahanyahay in waddooyinkaa loo diyaariyo si ay u isticmaali karaan gaadiidka lagu soo wareejiyay. Waa in loo sii diyaariyo tayadii, baaxadii, iyo baahiyihii kale ee gaadiidkan lagu soo wareejiyay. Haddaba inaga ahaan caasimada waxaa jira waddooyin cidhiidhi ah oo u baahan tix galin in la siiyo, si aan baahi kale loo abuurin iyada oo la buuxinayo baahi hore u jirtay.
- Tixgalinta socodka baabuurta bulshada
Inta aan la hirgalin qorshahan waxaa u baahan in la qorsheeyo goobaha ugu haboon ee gaadiidka dadwaynaha iyo gaadiidka gargaarka dagdaga ahi ay isticmaali karaan. Goobaha asaasiga ah ee bulshada sida cisbitaalada, dugsiyada iwm waa inay lahaadaan waddooyin soo galaya oo meel u dhaw oo laga soo gaadhi karo maraya.
- Wacyigalin
Wacyigalintu waa mid ka mid ah furayaasha guusha olole kasta oo lagu hiigsanayo in bulsho lagu dhex abuuro nidaam cusub ama qorshe cusub. Si loo fuliyo qorshe cusub ama nidaam cusub iyada oo bulshadu ku faraxsan tahay waa in la dareensiiyo ahmiyada iyo qaabka loo hirgalinayo maadaama ay bulshadu tahay kuwii uu ku fulayay qorshuhu.
GEBOGEBO
Ugu danbayntii nidaamkani waa mid faaiidooyin badan leh, faaiidooyin darrana leh, hadaba inaga ahaan waxa aad moodaa in xal loo sameeyay waddada halbawlaha ah balse aan laga fikirin cidhiidhiga saxmada ah ee ku soo kordhay waddooyinkii yaryaraa ee dhinacyada ka marayay waddada halbawlaha. Waxaana ay u baahan yihiin in loo sameeyo si ay u qaadi karaan baaxada gaadiidka loogu talo galay inay isticmaalaan maadaama ay markii hore ahaayeen waddooyin xaafadeed yaryar oo aan gaadiid badan isticmaali jirin. Gebogebadii nidaamkani waxaan qabaa inuu yahay nidaam loo baahnaa balse aan joogin waqtigii la samayn lahaa maadaama aan la sii diyaarin waddooyinkii lagu kala wareejin lahaa waddooyinka.
Eng. Cabdiqani Muuse Xasan
Email: engabdikani@gmail.com