Hargeysa:(Hubaal)-Xaaji Cabdikariin Xuseen(cabdi-waraabe) oo kamid ah Odayaasha Ruug-caddaaga ah ee mus-dambeedka u ah Somaliland, ayaa Ka Hadlay Murankii siyaasadeed ee dhawaan lasoo afmeeray, waxana uu hambalyeeyey Sidii Milgaha lahayd ee Khilaafkaas Daaqadda Looga Saaray.
Xaaji Cabdi oo ka Hadlay Munaasibad shalay lagu qabtay Cigaal International Airport, ayaa sidoo kale ka hadlay Xafiiltan siyaasadeed ee dhexyaalla Mucaaridka iyo Muxaafidka, waxana uu soo jeediyey inaan lagu kala tegin hadallada dhiifaysan ee Hawada la isu marinayo,
“Ninka Mucaaridka ah ee Kursiga Doonayaa waa Daw inuu galgashaa oo uu wax xajiimeeyaa, laakiin waa inaaanu wax ina kala filqa oo ina kala furfura aanu samayn ilaa yoomal-qiyaamahana wax dhib ah lama waayayo.” Ayuu yidhi Xaaji Cabdi Xuseen.
Xaajiga oo Hadalkiisa sii wata, ayaa si weyn usoo dhaweeyey Daminta Khilaafkii ka dhex aloosmay Axsaabta qaranka iyo Xukuumadda, waxana uu mahadnaq u diray cidkasta oo arrintaas ku lug lahayd, waxana uu yidhi,
“waxan u mahad naqayaa saddexda Xisbi ee isku tegay ee wixii ay ku murmeen ee siyaasad ahaa ka heshiiyey, waana la is qabanayaa laakiin waa inaan lagu kala tegin oo la isla gun gaadhaa. Sidii u haboonaynda way yeeleen.”
Xaaji Cabdi waxa uu kula dardaarmay shacabka Somaliland inay isku duubni kaga baxaan Muran kasta oo dhexdooda yimaadda, isla-markaana aanay ka farxinin cadowgooda dhibsanaya Horumarka ay samaynayaan.