Bula-xaar (Hubaal) Niman wadaado ah oo aakhirkii todobaadkii tegay gaadhay magaalo xeebeedka Bulaxaar ayaa la soo sheegay inay qaarka mid ahi xeebta badda Bulaxaar qaatay darraato xilli ay ku dabbaalanayeen.
Sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Bulaxaar Maxamuud Qawdhan Ayax oo aannu khadka telefoonka kula hadallay isagoo ku sugan Bulaxaar, nimanka wadaada ah oo muwaadiniin u dhalatay Somaliland ah ayaa ka koobnaa shan nin, waxana ka mid ahaa hadalladisii “Nimankani laba cisho ka hor ayay noo yimaadeen, waxay ahaayeen niman wadaado ah intay magaalaada xadiiseen ayay yidhaaheen waxannu u dabbaal tegaynaa badda, waa laga badbaadiyay intii kale balse mid ka mid ah ayay la tegtay oo laba habeen badda ku maqnaa, markaa xalay ayay soo tuftay oo saaka ayaannu maydkiisa ka hellay badda u dhaw xeebta Bulaxaar” ayuu yidhi. Guddoomiyaha oo aannu waxka waydiinnay ujeedada safarka nimanka wadaada ahi uu salka ku hayay ayaa sheegay uun in markii ay magaalada yimaadeen ay dadka wacdiyeen kadibna xagga badda u dhaafeen.
Guddoomiyaha Bulaxaar oo aannu sidoo kale waxka waydiinnay tirada ay ahaayeen wadaadu iyo halka ay intii kale ku suganyihiin ayaa yidhi, “Waxay ahaayeen shan nin, ninkaas ayuun baa baddu liqday oo geeriyooday, inta kale way nabad qabaan, nin kale ayaa isagana lagu dawaynayaa dhakhtarka Abdaal laakiin raggii kale way wada nabad qabaan”
Marxuumka geeriyooday (Alla haw naxariistee) ee baddu soo tuftay saaka oo magaciisa lagu soo gaabiyay Mubaarik ayaa maanta lagu aasayaa xarunta degmada Bulaxaar.
Dhinaca kale, warar aannu ka hellay ilo madaxbannaan oo ku dhaw Bulaxaar ayaa noo sheegay in nimankaasi ay qayb ka ahayeen hay’adaha islaamiga ah ee deegaannada miyiga ka dhisa masaajiidda ujeedada safarkooduna hawlahaas la xidhiidhay.
Xasan Faarax Qamaan
Wariye