Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Xubno Xilal Ka Soo Qabtay Dawladdii Siilaanyo Oo Xamar Isku Shubay
“Kolay Wixii Fawdo Sameeya Waanu Xidhaynaa Markaa Inamadaasi Way Xidhan Yihiin Hada, Kiiskooda Waa La Eegayaa.” Maxamed Muuse Diiriye, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland
Hargeysa (Hubaal)- Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadley xubno wasiirro hore ka soo noqdey Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo oo ka dagay Soomaaliya.
Dhinaca kale Wasiir Maxamed Muuse Diiriye ayaa masuulyiintaas ku tilmaamay rag iska shaqo tagay islamarkaana uu xaalkoodu ku danbayn doono Somaliland ha na saamaxdo.
“Waa inamo iska shaqo-doon ah, horena waataan idiinku sheegay oo waxayna ku dambayn doonaan, ha nala saamaxo, barri ba iyagoo soo yaacaya oo codsi cafis dalbanaya ayaynu arki doonaa. Waxay ahayd inay dalkooda iimaansadaan, shalayba wasiirro ayay ahaayeen, rag waaweyn oo anigu aan u haystay mudakariin bay ahaayeen, Arsaaqadu meel walba way taalaa, dalkeenna oo nabadgalyo ah ayay taalaa. Waynu ogsoonahay Qaraxa maalin walba ka dhacaya Muqdisho, tegi maayaan kismaayo waa xamar waxay tagaan, xamarna qarax baa yaala, hase yeeshee waxa la arki doonaa berri iyagoo leh ha lana saamaxo.” Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo shalay warbaahinta la hadlayay
DAAWO:
Geesta kale, Maxamed Muuse Diiriye waxa uu ka hadlay dhalinyaro ay xukuumadda u xidhan magaaladda Boorama
“kolay wixii fawdo sameeya waanu xidhaynaa, dhalinyaradaasuna waxay sameeyeen fawdo oo waa ka warhaysaan, waxaad ogtihiin baa annaga na waydiisaan, markaa afar inan baanu xidhnay oo way xidhan yihiin hada, kiiskooda waa la eegayaa.” Ayuu yidhi