“Nin Aanu Sheeko-wadaag Ahayn Ayaan Maalin Ku Idhi “Maxaad saldhigga Berbera ee Ruushkii ka tagey u qaadan weydeen?” Wuxuu iigu jawaabay….”

0
85

Nuxurka Ay Xambaarsan Tahay Qeybta 15aad Ee Qormada Hal-ku-dheggeedu Yahay ‘ Nolol La Xasuusto’ Oo Dr. Siciid M. Gees Toddobaadkan Kaga Hadlayo Arrimo Xiiso Leh

“Ingiriiska Oo Aan Lagu Aqoon Inuu Galo Wax Aan Dani Ugu Jirin, Waxa Uu Shirarka Soomaalida Ugu Qabanayo Ha Ka Moodina Naxariis Ee Waxa Uu Raadinayaa Meel Uu Ku Soo Celiyo Qaxoontiga Dalkiisa Deggan”

+++++

“Qudhayda Ayaa 1998-kii Anigoo Qaxoonti Ah Ay Hay’addii  Ila Shaqayn Jirtay Qaahira Naga Qaaday Oo Maraykan Na Dejisay, Wa-tilka Ayaamin nu-daawilhaa Beyn-naas”

 gees-aabihii

 “Jid abaar oo kulul waxan hilin ku jiillaaday

Jawi lagu haraadiyo waxan omas jibaaxaayey

Saxaaraha xaggaagu wuxuu jaah iga leefay

Jeedaaladii wuxuu indhaha jiitay aragoodu

Jarmaado iyo caraabiyo waxaan Yurub u sii jeeday

Waxa uu jiinka ii maray carab jilibka tooxaaya

Jalfiska miinada waxan jaanta kala booday

Juq waxan u soo idhi magafe jalabutaynaaya”.

Gabay Xayir (Jiinlay) ee Ina Cabdulle Xasan

downloadfile.jpegJabkii ku dhacay ciidammadii Soomaaliyeed iyo ka soo cararkii goballada ay markii hore qabsadeen, waxa uu keenay qaxooti hor leh oo Soomaali iyo Oromo ah oo ku soo qulqulay dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Waxa la magacaabay guddi Wasiirro ah oo arrimaha qaxootiga qaabilsan. Waxaan ka qaybgalay shirarkii Guddiga aniga oo wakiil ka ahaa Wasiirka Caafimaadka oo markaasi hawlo kale yeeshay. Maalintii dambe waxa la isku raacay in xafiis u gaar ah arrimaha qaxootiga la yagleelo. Madaxweyne–ku-xigeenkii labaad Xuseen Kulmiye Afrax oo guddoominayey shirka ayaa yidhi; “Siciid Gees ma joogaa isaga oo i arkayaa?” farta ayaan taagay. “Maanta laga bilaabo adiga ayaa madax ka ah arrimaha qaxootiga, xilkii aad haysay soo wareeji, halkan madaxtooyada ayaad xafiis ku yeelanaysaa.” Sidii ayaan ku dhaqaaqay oo Agaasimanimadii Wasaaradda Caafimmadka ayaan wareejiyey oo qol xafiis ah oo madaxtooyada ah ku bilaabay hawshii. Halkaas ayaan ka yagleelay Hay’addii Qaxootida Qaranka, National Refuge Commission (NRC). Sharci u samayn, shaqaalo u raadin, xarun iyo xafiisyo lagu shaqeeyo dhisid, miisaaniyad iyo dhaqaale u raadin ayaan bilaabay.  Waxa hawshaas gacan weyn naga siiyey Agaasimahii Hay’adda Deeqaha ee Maraykanka (US AID) oo aannu Wasaaraddii Caafimaadka markaan joogay aannu aad isu baranay. Sabtida ayaan shir u qaban jiray Hay’adaha Reer Galbeedka ah ee nala shaqeeya ama sida loo yaqaan International Non–Governmental Organizations (INGO). Waxa uu maalintii dambe shirkii keenay oo nagala soo qaybgalay Safiirkii Maraykanka ee Muqdisho fadhiyey. Maalin aan ninkaasi wada sheekaysanay ayaan ku idhi; “Maxaad saldhigga Berbera ee Ruushkii ka tagey u qaadan weydeen?” Waxa uu iigu jawaabay; “Suurtagal ma ka tahay dhinaca dawladda Soomaaliyeed.” “Dee maad weydiisataan,” ayaan ku idhi. Sheekadii kirada saldhigga ayaa lagu heshiin waayey. Maalin dambe ayuu ninkii igu soo noqday oo yidhi; “Mr. Gees, haddii aannu soo degno meesha, taageero dhaqaale oo badan ayaad ka helaysaan dawladda Maraykanka oo meelo kala duwan ka iman doonta ee dawladdiinu yey isku adkayn kiradu intay noqonayso, wax ka badan ayaad heli doontaan eh.” Sheekadii ayaan nin madax ah oo aannu sheeko wadaag ahayn u sheegay. Sidii ayuu saldhiggii Berbera u qaatay Maraykanku oo Dekaddii Berbera uu u ballaadhiyey oo haamihii shidaalka u kordhiyey oo qaar cusub ugu daray. Waxan warbaahinta ku arkay in hadda saldhiggii lagu wareejiyey Wadanka Isu-taga Imaaradaha Carabta (United Arab Emirates). Qoladanina wax bay ku sii dari, xaalkuna waa sidaas inta la isku filaanayo. Magacii ‘Bilaad wax i sii“ ee Carabtu Mandaqaddan u bixisay ayaa u tisqaaday, ee ma aragtaa?. Hay’addii qaxootigu waa kortay, waxay yeelatay waaxyo kala duwan: caafimaadka, waxbarashada, beeraha, biyaha iyo qaar kale oo badan. Aqoonyahanno badan ayaa shaqo iyo waxbarasho bannaanka ah ka helay oo dhakhtaro leh oo Injineero leh. Dhaqaale badan iyo raashin badan ayaa soo galay dalka. Nin guddoomiye Gobolka Gedo ka ahaa ayaa wefti kormeer ah oo ajnebi la socdo ku qudbadeeyey; “Dawladdu mashruucan Qaxootiga inay waa hore bilaawdo ayey ahayd.” Waaba la is eegay. Kkkk… Aniga markaas ayaa la i yidhi; “Xaaji hadda ka durug oo nin dawladdu wadato oo lagu mustafaynayo Jabhaddii SSDF la i dul keenay.” Dhawr bilood ayaan la sii shaqeeyay oo wax kala baray, kadibna waa ka ruqsaystay shaqaddii dawladda gebigeediiba, anoo arkayaa sida wax u socdaan, waxan xilka Hay’adda Qaxootiga hayey 1979 ilaa 1981. Waxa ay ku dambeysay Hay’addii in ninkii isna la beddelo oo Guddoomiye looga dhigo nin Soomaali Galbeed ah oo derjo wasiir lala simay, oo ka qaybgala shirka Golaha Wasiirrada. Aniga iyo shaqo dawlad Soomaaliyeed waxa isugu kayo dambeysay 1981, waxan markaas shaqo caafimaad iyo samafal ku jiray ilaa 1946, waa 35 sanno. Dadku meel kasta ma jecla soo-galeetiga iyo qaxootiga waad aragtaa waxa dunida ka taagan. Soomaalidu ma jeclayn qaxootigii ku soo fatahay, iyada oo dadku aanay dhaamin xagga nolosha dadka qaxootiga ah, ayey la yaabeen raashinka iyo dawada iyo hoyga bilaashka ah ee la siinayo soo-galaytiga iyo waliba dhulkii biyaha lahaa oo qaxootigii la dejiyey. Dawladda Ingiriiska oo aan lagu aqoon naxariis iyo wax aan dani ugu jirin inay gasho, waxay shirarka Soomaalida ugu qabanaysaa inay raadinayeyso meel ay ku soo celiso qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda deggan. Ha ka moodin naxariis. Toban sanno ka dib sannadkii 1991-kii, ayaan aniga qudhaydii ka qaxay Muqdisho iyo Soomaaliya oo Hay’addii UNHCR ee Qarammada Midoobay u qaabilsanayd qaxootiga dunida ee ila shaqayn jirtay ayaa 1998 annaga oo qaxooti ku ah dalka Masar, Magaalada Qaahira iga qaaday oo Maraykan i dejisay, halkaas oo aan ilaa maanta ku nool ahay. “Wa tilka ayaamin nu-daawilhaa beyn naas.” Sadaqa Laahu Cadiim. Ramadaan Kariim.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here