Nin Ay Dibjirnimadu Lafaha Ka Gashay Diini Celinmeyso

0
130

Qalinkii: Aqoonyahan Maxamed Cali Bile

maxamed cali bileHaddii laba qof oo meel fadhiya agtooda lagu qaraxiyo Rash, waxa dhici karta inu midi naxo oo uu gabbado halka ka kalena uu eego uun oo aanu nixin balse uu yidhaa tolow maxaa qarxey. Labadan qof isku qarax ayey maqleen, balse waxa kala duwan sida ay uuga falceliyeen. Nolosha oo dhan ayaa ku dhisan falcelinta. Falka hore ee dhacay waxba kama bedeli kartid haddii qof kale sameeyey. Balse sida ad uuga falcelisaa gacantaada ayey ku jirtaa, taasaana muhiim ah. Sida ad arin dhacay uuga falcelisaa kama turjumeyso arinkaa, ee waxa ay markhaati ka tahay dhaqankaaga runta adiga. Dad ayaa nolosha oo dhan ka eega dhinaca qaloocda, waxaana ay sabab iyo markhaati u raadiyaan in dadka aan la fikirka aheyn oo dhami xunyihiin. Qaar waxa ay adeegsadaan waddaniyad oo waxa ay qofka ka duwan ka dhigaan inaanu wadani aheyn maadama uu u dhaqmey ama u hadley si sidooda ka duwan. Qaar waxa ay kugu qorayaan inad tahay jaahil aqoon daran maadama waxa ad sheegtey ama ad qortey ama sida ad u dhaqantey qalad ku jiro. Qaar waxa ay ku qorayaan inad tahay qof aan dhaqanka wax ka aqoon. Qaar ayaa kaa dhigaya inad tahay qof aan diinta aqoon ama ka soo horjeedda. Qaladaadka dadkaasi ku sheegayaan dadka kale ee aan la dhaqanka aheyn iney wax jiraan ayaa dhici karta oo aaney beentood aheyn. Balse waxa marar badan soo baxda in qaladkaa la sheegayo looga falceliyo si ka sii qalad badan, halkii qaladka laga sixi lahaa.

.

Waxa jira dad isu dhigaya iney aqoon leeyihiin amma Diinta ku xeeldheeryihiin oo aqoonta ay sheeganayaan u adeegsada iney dadka ku “Mas-Baaddaan” iyaga oo iska dhigaya iney qalad dhacey saxayaan ayey banneysanayaan wax ka xun waxa ay ka sheeggayaan dadka kale. Ereyga “Khasiis” inagu Soomaali ahaan waxa an u naqaanaa qofka “Shaxaariga” ah ee dumarka hoos uugu dhiga, ee jecel inu si xun uula macaamilo. Balse macnahaa runta ah ee ereygani taa uu ka duwanyahay.  Khasiis af carabiga waa qof xishoodka ka tagan. Waa qofka ka hinaasa qofka wax dheere. Waa qof xaqira qofka wax dheer. Waa qofka anaani ah oo aan dadka kale wax u ogoleyn. “Khasiiss Al-Akbar” waxa lagu tilmaamaa qofka aqoonta iyo mihnadda uu leeyahay u adeegsada si hooseysa oo aan xishood laheyd. Adoo aqoon sheeganaya amma caalim diimeed sheeganaya inad aqoontaada uugu adeegsato xumaanta qof kale amma ad ogolaato ama raali ka noqoto qof la xumeynayo waa khasiisnimo weyn. Adiga oo Ali Raage ninka la yidhaa dhaliilaya oo xumaan ku sheegaya inad hadana soo dhigto sawir qof dumar ah oo la sawiran oo la ogyahay iney iminka marwo tahay, dad walaalo la tahay oo haddey doonto soddoh ah inad soo dhigtaa waxa ay markhaati ka tahay inad gaadhey derejo hoose. Haddii ay garasho la’aan kaaga dhacdey waa la is cafiyi karaa, balse adoo aqoon iyo wadaadnimo sheeganaya oo Islaam ah inad xumaanta qof kale oo aan waxba galabsan gidaarkaaga Facebook soo dhigto ama lagugu soo “tag” gareeyo oo ad u raxleysaa, amma nin qoraa ah ad ku tilmaamto dameer, waxa ay ka turjumeysaa shakhsigaaga qarsoon ee qoloftaada ku hoos jira.

.

Buugga GURRAC maan akhriyin, balse inta yar ee laga soo qaatey markaan eegey waxa ii soo baxdey in qoraagu wax badan ilduufey. Kolley anoo qoraaga jecel, hadana sidiisaa wax uumaan qoreen oo wax badan ayaan xeerin laha. khaladkaa isaga ihi uu cadyahay. Balse waxa an iyana qiri lahaa waxa kale ee buugga ku qoran ee wanaagsan si ay aqoonta an sheeganayaa ay iskugukey dheeli tirnaato. Waxa iyana aanan marna meesha ka saareen in tariikhda hore ee qoraagga oo ah nin wax badan oo lagu soo bidhaansado sameeyey. Waxa aan meesha ku jirin in la shakhsi caayo amma la is nasab caayo oo shakhsi Ilaahiisa yaqaan oo u baahan in qaladkiisa la saxo la yidhaa gaalada ka danbeysa.

.

Wadaad-Ceebeeye” ah “Dibjir-Cimaamad-Xidhan” oo aqoonta kooban ee uu leeyahay u adeegsada inu dadka ka duwan isaga ku “Maskax-Baado” oo adeegsada dhaliyaro maskaxda maxbuus uuga ah, waa Khasiisnimada darajada u hooseysa.

Diintu Islaamka waa dhawrsanaan, waa mas’uuliyad u baahan inad ka soo baxdo. Waaney jiraan boqolaal aqoon leh oo culimo leh oo qoraa leh oo mas’uuliyaddaa ma soo baxa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here