Taliyaha Ciidanka Booliska oo Bulshadda uga Digay inay ka Qayb Qaataan Isku sooo baxa uu ku Dhaawaqay Xisbiga WADDANI
Hargeysa (Hubaal) Taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland Sareeye-guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa sharci daro ku tilmaamay mudaharaad uu ku baaqay gudoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, waa sida uu hadalka u dhige. Taliye Dabagale wuxu bulshada reer hargeysa ugu baaqay in aanay mudaharaadkaa ka qayb qaadan, islamarkaana ay ka hor-tagayaan ka boolis ahaan sidaasina ay ku joojiyeen mudaharaadkaasi.
Sidoo kale taliyuhu waxaa uu sheegay in aanu dalka ka dhacayn banaanbax aan sharci loo heysani. Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland sareeya guuto Maxamed Adan Saqadhi (Dabo Gale) isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waa kalmad ku saabsan nabad-geliyadda aniga oo daba socda hadalkii uu jeediyay, gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, taasi oo uu bulshadda reer Hargeysa ugu yeedhayay in ay isugu yimaadaan meel gooba, lama arag mudaharaad Somaliland ka dhacay oo najaxay dhib iyo hawl uunba ka timaada, mudaharaadkuna sharci ayuu leeyahay sharci waxaan laheyna yeelimayno, mudaharaad aan sharci laheyn ma yeelayno, ama umadd aan sharci laheyni intay soo urrurto intay waxaa ay doonto sameyso yeelimeyno.
Yeelimeyno dadka wan wanaagsan ee khudradda iibinaya ee danahooda wata ee bulshadda Somaliland noocyadeeda kala gadisan nooca ay doonaan ha ahaadaane in dhibaato halkaasi kaga timaado, oo inta khaladaad leysugu yeedho booliska ay is jiid-jiitaan yeelimayno, mudaharaadka waanu joojiney ma dhacayo, sababta oo ah waa bila sharci, bulshaddu danaheeda ha qabsato mudaharaadkaasina sharci maaha ee yaanay isugu imanin”
“Nin carruurtiisa Yurub geystay ka yeelimeyno bulshadda Somaliland qaybaheeda kala duwan in uu dhib u soo jiido, oo noloshooda ku ciyaaro taasina yeelimayno, bulshadda waxaan ugu baaqaya in aanay isugu imanin mudaharaad aan sharci aheyn mudaharaadkaasi wax jira maaha” Ayuu yidhi taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland sareeya guuto Maxamed Adan Saqadhi (Dabo Gale)
Marka dad la isugu yeedhayo, wali lama arag mudaharaad Somaliland ka dhacay oo inta badan najaxay, mid walba dhib iyo hawl ayaa ka timaada. Marka la isugu yeedhayo ee ummadd la doonayo in la kiciyo sharcibay leedahay, mudaharaadku sharci buu leeyahay, waxaynu nahay dal sharci leh, waxaan sharci lahayna yeeli mayno.
Madaharaad aan sharci lahayni inuu dhaco ama inta ay umaddi soo ururto oo waxay doonto samayso ma yeelayno, dadku way wanaagsan yihiin, laakiin in xunbaa dhex socoto, ujeedooyinkii la isugu yeedhay ee guracnaana way dhex socdaan,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Bileyska Somaliland, Sareeyo Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi.