Falkan ayaa la Weriyey In Uu Ka Dhashay Ninkan Falka Geystay Iyo Qoyska Ay Wada Degenaayeen Oo Is Af-dhaafay
Hargeysa (Hubaal)-Nin kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa maalintii shalay khasaare gaadhsiiyey qoys ay guri ku wada noolaayeen, kadib markii uu Batrool ku shubay, isla-markaana Dab qabadsiiyey Ninkii kale ee ay aqalka ku wada jireen. Dhaawac daran ayaa gaadhay Nin iyo Haweenay katirsanaa Qoyska kale, waxana dabku ku wada dhammaaday jidhka ninkaas, iyadoo Haweenay la sheegay inay eeddo u ahayna dabkaas ku dhaawacantay. Dhacdadan oo ka dhacday Xaafadda Cabbaaye ee Degmada G/libaax ee Magaalada Hargeysa, ayaa sida ay dad goob joogayaal ahi Wargeyska Hubaal u sheegeen ka dhalatay is afgaran waa labada qoys dhawaan soo kala dhexgalay, iyadoo ninka haatan wax gubay uu Caagad kusoo qaatay baatrool, isla-markaana goor duhurkii ah Dusha kaga rusheeyey ninka kale, kadibna dabkii u raaciyey. Ninka dabka lagu qabtay ayaa si weyn ugu waxyeelloobay Falkaas, waxana loola cararay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa oo haatan lagula tacaalayo xaaladdiisa. Ninkii Falka geystay oo aan ilaa iyo haatan caafimaad-darro ah oo xagga maskaxda ah lagu sheegin, ayaa Goobtaas ka baxsaday, waxase lagu guulaystay in goor dambe laga soo qabto Goobo uu ku dhuumalaysanayey. Illaa iyo haatan lama aqoonsan sababta keentay falkaas waxshinimada ah ee ninkaasi ku kacay keenay, marka laga tago is afgarasho la’aantaas labada qoys dhextaallay oo dadkii jaarka ahaa sheegeen, taas oo la filayo inay sababtay inuu ninka falka geystay Go’aansaday inuu kula kaco dhibanaha haatan cistibtaalka u jiifa Dhibtii kasoo gaadhay dabkaas uu qabadsiiyey. Sheekada oo ah mid ku cusub Magaalada, ayaa waxa isla dhexmaraya shacabka Xaafadda Deggen, waxana wali la isweydiinayaa sababta gaadhay inuu ninkaasi dabkaas u quudho ninka kale ee ay aqalka wada geli jireen. Dhibanaha oo magaciisa naloogu sheegay Ridwaan, ayaa macallin ka ahaa mid kamid ah Machaddada islaamiga ah ee Xaafadda ku yaalla, waxana ninka kale ee dhibtaas loo tirinayo ay aqalka ku wada geli jireen kiro. Falal aan kan ka fogayn oo nafaha dadka halis lagu gelinayo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey kusoo badanayey magaalada Hargeysa, waxana dhegaha dadka si weyn ugu soo noqnoqonaya dhacdooyin aan hore loo maqli jirin oo nolosha bani’aadamka ka dhan ah.