Adam Ely oo hore u ahaa qareen iyo farsamo yaqaanka baabuurta iyo diyaaradda helikoobtarka ayaa gabadhiisa saaxibteed waxa uu ka dalbaday inuu gaariga lacag la’aan ugu hagaajiyo.
Wuxuu sheegay Iney howshan aad u fududdahay oo gabadha uu gaariga lacag la’aan uu ugu dayactiray oo uu u badbaadiyey lacag dhan $80 oo u dhiganta (£60) gini.
isagoo la hadlayay BBC-da ayuu sheegay in uu doonayo inuu howshan sii wado.
Adam iyo xaaskiisa ayaa sannadkii 2017-kii sameeyey garaashka baabuurta lagu dayactiro oo lagu magacaabo Hard Luck Automotive Services,.
“Dadka caawinta u baahan markaad caawiso waxaad dareemeysaa farxad aad u weyn, waana howl aan wakhti badan kaa qaadaneyn”, ayuu yidhi.
isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Qof caawimaad u baahan weli kama diidin inaan caawiyo. Anigoon weliba u eegeyn awoodda dhaqaale ee uu leeyahay, midabkiisa iyo diinta uu aaminsan yahay midna”.
Adam ayaa ayaa waxaa intaas u sii dheer: “Haddaadan awoodin inaad iska bixiso qalabka dayactirka, inuu isagu lacag la’aan kuugu dayactirayo”, wuxuuna dadka maalqabeenka ah ee ku nool guriyaha malaayiinta doolar qiimahoodu yahay ku boorriyay caawiyaan dadka danyarta ah, kuwaasoo uu sheegay inay xaq u leeyihiin iney nolol fiican ku noolaadaan, baabuurtana isticmaalaan.
Hooyo lagu magacaabo Tamesha Rayes, oo iyaduna ahayd askariyad howl gab noqotay oo soo wacday Adam waxay ka sheekeyneysaa mar uu gaarigeeda meel cidla ah kaga xumaaday oo uu caawiyey Mr Adam.
Waxay BBC u ku tidhi: “anigoo doonaya inaan gaariga iskuulka geeyo wiilkeyga oo 8 jir ah, anigana aan kulliyad sii aadi rabo ayuu gaarigii si lama filaan ah iiga hallaabay wuuna i caawiyay, runtii waa naf badbaadiye cajiib ah ninkan”, ayay tidhi
Adam qudhiisa waxaa mar walba garab taagan wiil yar oo uu dhalay, kaasoo shaqada gacan ku siiya.
“Wiilkeyga Tysen ayaa aad ii cajabiyey kaddib marki aan arkay isaga oo qalabkiisa wata oo diyaar u ah inuu shaqada iga caawiyo” ayuu yidhi Mr Adam.
Adam oo ah nin lixaadka dhib ka qaba, ayaa isaga oo taageera dhaqaale ka helayo ururka ay leeyihiin askarta dagaallada ku naafowday ee Mareykanka waxa uu wax ka bartaa jaamacad si uu mustaqbalka u caawiyo carruurta lixaadkooda uusan dhammeystirneyn.
Wakhti xaadirkanna waxaa qalab ku taageeray dad badan oo tabarrucayaal ah, kuwaasoo aad ula dhacay wanaagga uu Mr Adam uu sameeynay, iyaga oo weliba uga mahadceliyey howsha uu bulshada u hayo.
Isaga iyo xaaskiisa Toni abuura kharashaadka ugu badan ee ku baxa geerashka, iyagoo sameystay bog u gaar ah oo ay ku baahiyey funaanado ujeedooyinkooda muujinaya, si ay tabarucaad ugu helaan.
sidoo kale waxaa mararka qaar u imaada farsamo yaqaanno ama xirfadlayaal si tabarruc ah uga caawiyo howlaha geerashkooda.
Farriin uu Adam Ely boggiisa facebook soo dhigay ayaa wuxuu ku sheegay sida ay u dhiirri gelinayaan farriimaha loo soo diro iyo mahadnaqa aadka u qiima badan ee ku aaddan caawinaadda ay dadka kale.
Wuxuu ninkan sidoo kale qiima dhimis ku sameeyey dadka alaabta dayactirka gawaarida ka iibsada, wuxuuna haatan yeeshay macamiil aad u badan.
“Waxba iima qabaneyso hooyo aan nin lahayn oo ilmaheeda korsaneysa, $100 ay wax kale ku qabsan lahayd inaan ka qaato waxaa iiga farxad iyo qiima badan inaan bilaash ugu adeego ” ayuu yidhi
“Wanaagga iyo faraxadda ay dadka aan adeegga bilashka ah siiyo ii muujiyaan ayaa wax walba iigala qiima badan” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Adam keligii ma socon karo oo waxaa caawisa xaaskiisa, dhaawacyo ka soo gaaray dhabarka iyo lugaha awgood, balse dhaawacaasi kama hor istaagin inuu dadka caawimaadda u baahan uu gawaaridooda lacag la’aan ugu dayac tiro. Howlahanna wuxuu waday tani iyo 2007-dii markaasoo uu dhaawaca soo gaaray dartii ciidamada uga rusqeystay.
https://www.facebook.com/hardluckauto405/videos/223281118626413/?t=0
Xigasho: BBC