Nin Hubaysan Oo Toogtay Suxufiyiin Ka Tirsan Telefishnak WDBJ Oo Barnaamij Toos Ah (Live) Tebinayey

0
30

Hargeysa (Hubaal) Laba Suxufi oo ku jiray barnaamij toos ah ayaa lagu dilay magaalada Roanoke ee koonfurta galbeed ee gobolka Virginia. Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay shaqaalahan TV-ga Maraykanka ku yaalla ee la yidhaado WDBJ, xilli ay maanta si toos ah u waraysanayeen haweenay ku sugneyd xarun ganacsi oo ku taalla badhtamaha magaalada.  journalistsLabada qof ayaa kala ahaa Weriye Alison Parker oo 24 jir ahayd iyo sawir qaaday Adam Ward oo 27 jir ahaa.  Telefishanka ay u shaqaynayeen ayaa xaqiijiyay in isla goobta ay ku geeriyoodeen labadan saxafi, haweenaydii la waraysanayay ayaa ka badbaaday weerarka. Laamaha ammaanka ayaa sheegaya in baadhitaan socdo dibna ay faahfaahin ka bixin doonaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here