Danjire Tarsan Oo Uga Baxay Shirkii Uu Uhuru U Yeedhay Kadib Markuu Ku Arkay Calanka Somaliland Oo Goobta Ka Lulanaya
Nairobi (Hubaal) Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa la sheegay inuu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeedhay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay masuuliyiin matalayay jamhuuriyadda Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya.
Kenyatta ayaa shalay la yeelanayay diblomaasiyiinta kulankiisii ugu dambeeyay ka hor doorashada dalka Kenya ka dhaceysa bisha Agoosto ee sanadkan.
Danjire Tarsan ayaa la sheeegay in markii uu goobta shirka tagay uu ku arkay calanka Somaliland iyo dad matalayay Somaliland taasi oo uu si weyn uga carooday, waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga bedelo, kadibna danjiraha shirka ayuu kasoo baxay markii dalabkiisa uu socon waayay.
Somaliland ayaa wakiil ku leh Nairobi. Kenya ayaa rasmi ahaan u aqoonsan Somaliland inay tahay gobol ka tirsan Soomaaliya. balse sanadihii dambe ayay Nairobi sare u qaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Somaliland. Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Farmaajo ayaa marar badan ku eedeysay Kenya inay farogelin toos ah ku heysa arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Kenya ayaa beenisay eedeyntaasi.
Dowladda Kenya iyo Somaliland midkoodna kama hadlin arrintan u dambeysay. Laakiin wakiilada Somaliland u fadhiya Nayroobi ayaa xaqiijiyay inay casumaad ka heleen madaxtooyada Kenya.
Kenyatta ayaa ku jira gabagabada muddo xileedkiisii u dambeeyay, waxaana Kenya ka socdo olole doorasho oo xoog leh.
Waxaa doorashada soo socoto ku loolami doono, William Ruto oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka Kenya iyo Raila Odinga oo hogaamiya xisbiga mucaaradka.