Nin Tahriibe Iska Dhigay Oo Internet-ka Siray, Soona Jiitay Indhaha Saxaafadda

0
62

Hargeysa (Hubaal) – Akown ka mid ah aallada casriga ah ee lagu wada xidhiidho ee Instagram-ka oo u muuqday inuu lahaa muhaajir ururinayay  sawirrada jidka safarkiisa laga soo bilaabo Senegal ilaa Yurub, ayey kumanaan oo qof ku taxmeen, iyadoo uu soo jiitay dareenka warbaahinta. Haatan, waxaa la ogaaday inuu been abuur yahay. nin tahriibe iska dhigayBarnaamijka BBC Trending ayaa la hadlay ninka iska dhigay tahriibaha ee sanduuqan isticmaalayay. Akoonka ayaa lagu sameeyay magaca Abdou Diouf oo ka yimid Dakar, oo bilaabay gelinta sawirro uu iska qaaday todobaadkii tagay, isagoo sheegayanaya inuu sawirranayo wadadiisa khatarta ah ee uu kaga baxayo Senegal kuna tagayo Yurub. Sawirrada ayaa muujinaya isagoo dhoolocadeynaya oo la jira qoysiiska, kaddibna timaha loo jarayo ka hor safarkiisa. Safarku ma sahlaneyn. Inkastoo, sawirka dambe uu muujinayo isagoo xilli mugdi ah saaran doon kuwa la buufiyo ah. Doomahaasi ayaa ah kuwa kaliya oo lagu gudbo iyadoo habeenki oo dhan la dabaalinayo. Dhabtii waa cabsi, ayaa hoos kaga qorneyd sawirka. Ugu dambeyntii wuxuu u umuuqday mid dhulka gaadhay (Yurub u tallaabay). “Ugu dambeyntii dhulkii fursadaha, Waanu daalnay laakiin waanu faraxsanahay, . wuxuu ahaa Safar aad u khatar badan.” ayuu qoray Diouf. Akoonka ayey ku taxmeen in ka badan 8kun oo saaxiibbo ahi iyadoo ka hadalka sawirrada ay keeneen farriimo dad mooday inuu safarku dhab yahay. Mid ka mid ah ayaa yidhi. “Khaati ayaan ka taagannahay malaayiintiina dadka ah ee isku dayaya inay halkan yiimaadaan, meel  idinkama banaana halkan”. Balse dad badan ayaa taageeray Diouf oo ay ka mid aheyd mid yidhi “Nasiib wacan walaal, wax wanaagsan ayaan kuu rajeynayaa, Alle hakuu fududeeyo”. Wararka oo dhan ayaa sheekadan loogu tabiyay sidii mid run ah.  Tani waxay keentay shaki, balse hal wax ayaa jiray, “Diouf” wuxuu lahaa awood la yaab leh oo ah calaamadda uu u adeegsaday safarkiisa.   Magaca Diouf waxa uu ka helay madaxweynihii hore ee Senegal. Akoonka ayaa haatan la ogaaday inuu si kaftan u sameeyay sawirqaade, wuxuuna ahaa mid suuqgeyn loogu sameynayay dabaaldegga sawirrada.  Ninka ka muuqda sawirka waxa uu u dhashay Spain, waxaana lagu magacaabaa Haji Toure, waxaana sawirada oo dhan lagu qaaday meel dhowr Mile u jirta magaalada Tomas Pena.  Akoonka ayey ujeedkiisu aheyd in lagu ogaada waxa ay ka aaminsan yihiin Yurubiyanka, muhaajiriinta ka imaanaya Afrika ee soo galaya qaaradda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here