Hargeysa(Hubaal) -Afar qof ayaa dhaawac ka soo gaadhay kadib markii nin aan haybtiisa la garanayn uu tooray ku dhaawacay dad ku tukunaya Masaajidka xaafad ka tirsan Dagmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa.
dadkan dhaawacu soo gaadhay ayaa waxaa ku jira Imaamkii Masaajidka ku yaala Xaafada Saylada Magaalada Hargeysa.
Ilaa hada lama oga sababta uu ninkani dadka dhaawaca ugu gaystay,waxaana hada loola cararay dadkii dhaawacu soo gaadhay Cisbitaalka Wayn ee Magaalada Hargeysa.
Dhanka kale Ciidmada Booliska oo iyaguna goobta soo gaadhay ayaa gacanta ku dhigay ninka dadka dhaawca u gaystay,waxaana hada loo taxaabay Xabsiga dhaxe ee Magaalad Hargeysa.