Nin U Dhashay Yemen Oo Isku Hor-gubay Xafiiska Hay’adda UNHCR Ee Hargeysa

0
25

Hargeysa (Hubaal) Mid ka mid ah qaxoontiga ka soo qaxay colaadaha Yemen oo u dhashay wadankaas Yemen, ayaa shalay dab isku qabadsiiyay xafiiska hay’adda qaxoontiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ee Hargeysa hortiisa.

Ninkan dabka is qabadsiiyay ayaa waxa badbaadiyay dad kale oo ka ag-dhawaa, waxaanay ku guulaysteen inay damiyaan dabka uu isku qabtay ninkani, waxaase soo gaadhay dhaawac loo dhigay mid ka mid ah cisbitaalada Hargeysa. waxaa la sheegay in cagaha iyo gacmaha dhaawac ka soo gaadhay.

Ma jiro wax war ah oo xaqiijinaya sababta uu ninkani isku gubay, sidoo kalena UNHCR wax war ah kamay soo saarin arrintan. Hase yeeshee warar soo baxay ayaa sheegaya in ninkan is gubay uu ka niyad jabay caawimo uu ka filayay hay’adda qaxoontiga qaabilsan ee UNHCR oo la sheegay inuu muddo ku noqnoqonayay.

ca05435ca69426c1ede9316c99394f55_L

Somaliland waxa ku sugan qaxooti tiro badan oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen. Warbixino ay xilliyo hore soo saareen qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Somaliland ku sugan ayaa ka dayriyey xaaladda nololeed ee qaar ka mid ah qaxootiga Yemenida ah.

Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay ninkan qaxoontiga ah ee dalkeeda isku gubay, balse dad goob joogeyaal ah ayaa saxaafadda u sheegay in ninkaasi muddo taakulo ka naawilayay UNHCR, is gubistiisuna ku timid markii uu caawimo ka waayay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here