“Nin Ummadani Ay Mansab Saartay, Markuu Doonayo Inuuu Xilka Ka Tago Waajibku Waxaa Uu Ahaa In Ciddii Magacawday Uu Afka Uga Sheego”

0
29

Sheekh Berbaraawi Oo Naqdiyay Hanaankii Ay Wasiirradu Isu Casileen, Saxaafaddana Dardaaran U Jeediyay

“Kala Dhaqaaq Haddii Aanu Doonayn Maxaa Kallifaya In Qofka Masuulka Ahi Marka Uu Xilka Ka Tagayo Uu U Yeedho Warbaahinta Oo Warkiisa Dadka Oo Dhami Ay Daawadaan?”

Hargeysa (Hubaal)- Sheekh Cabdillaahi Barbaraawi oo ka mid ah culimada Somaliland, ayaa markii u horaysay si xeel dheer uga hadlay is-casilaadii wasiirrada iyo cawaaqibka ka dhalanaya haddii la majaro habaabiyo masuuliyadda bulshada loo hayo. Sheekh Berberaawo oo Aan horena looga baran ka hadalka arrimaha siyaasadda ayaa khudbad dheer oo uu arrintaasi ku lafo guray waxaa uu ku sheegay in wasiirradii is casilay ay baal mareen nidaamka iscasilaadda ee waafaqsan shareecada islaamka, islamarkaana ku haboon masuuliyadda ay bulshada u hayeen. Waxa naqdiyay siday iscasilaadooda saxaafadda u mariyeen. hqdefaultKhudbadan oo Sheekhu ka jeediyey Jimcihii Masjidka uu khadiibka ka yahay. Sheekh Cabdillaahi Berberaawi waxaa khudbadiisa kamid ahaa “warka u baahan ka baaraan deg in la faafiyo uma baahna ee waxaa ay tahay in ulul-amriga la gaadhsiiyo, xumaan fara badan oo maanta ummada ka dhex jira iyo khilaaf, qabyaalad iyo cadaawad yaa sabab u ah?. Waxyaabaha la yaabka leh ee aadka aad ula yaabayso waxaa kamid ah nin masuuliyad ka haya dawladda ee ummadan islaamka ahi ay mansab iyo masuuliyad saartay, marka uu doonayo in uu xilkaas ka tago waajibku maxaa uu ahaa sharciyan marka arrinta lagu miisaamo, waxaa ay ahayd markii horeba cidda xilkan u magacawday in uu u tago oo uu afka uga sheego, haddii aanu doonayn fidno iyo fawdo iyo shar iyo kala dhaqaaq haddii aanu doonayn maxaa kallifaya in qofka masuulka ahi marka uu xilka ka tagayo in uu u yeedho warbaahinta oo dhan oo uu TV-yada, Idaacadaha iyo Joornaallada u yeedho, dabadeedna warkiisii oo maqal iyo muuqaal ah dadka oo dhami ay daawadaan?. Waxaa la odhan karaa in sidaas aanu samaynin qof fasaad iyo fidno doonaya mooyee”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here