Saylici Oo Shaaciyey Inuu Mar Kale U Sharraxan Yahay Kursiga Madaxweyne Ku Xigeenka
“Ninkii Doonaya Inaynu Abuurno Garoon Loo Siman Yahay Taasi Wayn Naga Go’an tahay, Xisbiguna Maadaama Oo Uu ………”
Hargeysa(Hubaal)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa Markii ugu horraysay si rasmi ah u shaaciyey inuu u taagan yahay musharraxnimada madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye markiisii labaad, waxana uu tilmaamay inuu arrintaas si weyn usoo dhaweynayo. Mudane Saylici oo ka Hadlay Munaasibad hadhimo-sharafeed ahayd oo uu maalintii shalay Aqoonyahan, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo Haween kasoo kala jeeda Beelaha Samarroon iyo Garxajis, ayuu kaga dhawaaqay inuu soo dhaweynayo inuu isu taago jagada madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye, iyadoo maalmahan dambena uu xiiso gaar ah lahaa Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Horraanta bisha soo socota loo ballansan yahay. Munaasibaddan oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, balse Hadalladii laga yidhi uu helay Wargeyska Hubaal, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku ugu horrayn si gaar ah uga Hadlay Khilaafka Xisbiga Talada Haya dhexdiisa ka taagan, isagoo si gaar ah u carrabaabay Su’aalo garabka kale ka keeneen hadhimo-dharafeedda uu qabsaday,“anigay igu yidhaahdeen madaxweyne Adiguba maanta waxad leedahay qado, aniga maantaa ii kow ah baan ku idhi, haddii aan leeyahayna maan odhan kaah iskugu keen keena’e waa intii ololahu u farayeyoo nin waliba inuu hoosta ka ololaysto looma diidana, waana ka wada hadalnay oo intayadii xukuumadda ahayd waxa aynu nahay Labeentii dalkaynu nahaye inaga daaya waxa inagu keenaya qabsanaanta laba xisbina ma nihini xisbi kaliya ayeynu nahay” ayuu yidhi Mudane Saylici. Mudane Saylici oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay ka go’an tahay abuurista Goob lagu tartamo oo musharrixiintu u siman tahay, waxana uu yidhi, “Ninkii doonaya inaynu abuurno garoon ama Meel loo siman yahay taasi wayn naga go’an tahay, Xisbiguna maadaama oo uu xisbi xaakim yahay in wax la jujuubaa meesha ma taallo” Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu si weyn uga Mahad naqay Dadkii uu casuumadda u sameeyey, kuwaas oo uu sheegay inuu ka Guddoomay soo jeedimo la xidhiidha sidii uu mar labaad jagada madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ugu soo istaagi lahaa, “Odayaasha iyo haweenka sharafta leh aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa, waana idinka guddoomay mar haddii aad tidhaahdeen waanu ku dooranaynaa” ayuu yidhi Mudane Saylici. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici wali ma uu caddaynin cidda uu musharrax ku xigeen u noqonayo, balse Shaxda siyaasadeed iyo sida uu wax u wado ayaa muujinaysa inuu si weyn ugu dhaw yahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, kaas oo u sharraxan Jagada madaxweynenimo ee Xisbiga Kulmiye. Waxa sii kacaysa Xaraaradda Loollan ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa, waxana maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya Tirada musharrixiinta Jagooyinka kala sareeya ee Xisbigaas, balse dhawaaqa Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa xiiso gaar ah u yeelaya Baratanka dhexyaalla Baarqabadda Xisbiga Kulmiye hoggaanka u haya.