Sheekh (Hubaal) – Inta la og yahay laba Qof ayaa ku dhintay, illaa afar kalena waxaa soo gaadhay dhaawacyo kadib markii nin la sheegay in uu ku hubaysnaa Waran afkiisu halliilayaa uu la dhex galay makhaayad lagu caweynayay oo ku taalla degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, isaga oo gacan ku dhiiglahani uu waranka ula dhacay qof qof, iyada oo riddadiisu ka abaartay halbowleyaal halis ah. Dhacdadan ayaa timi xilli cawaysin ah oo habeen hore ahayd, kadib markii ninkan falka geystay oo ahaa Suufi aan xiskiisu dhamayn oo ka mid ahaa dadka deegaanku uu halkaasi ku khaarijiyey saddex qof oo shacbi ah, halka uu shan ruux oo kale oo rag iyo dumar isugu jirana uu dhaawacyo halis ah gaadhsiiyey. Ciidamada ammaanka ee degmada sheikh oo markii falku dhacay goobta tegey ayaa ka hor intii aanay gacanta ku dhigin uu qaarkood dhaawacyo gaadhsiiyey, hase yeeshee aakhirkii dhaawaceen kadib markii ay lugaha ka toogteen, sidaasina lagu qabtay. Waa dhacdadii u horreysay ee nooceedu ka dhacdo deegaankaas, iyada oo Dadka Degmada sheekhna ku tilmaameen mid argagax ku riday, waxaaana ay ciidammada ammaanka ku bogaadiyeen gurmadka degdega ah ee ay u fidiyeen shacbiga, kuna so oaf jareen dhacdadan ugubka ah. Ciidamada Booliska ayaa Eedaysanaha dilkan gaystay u dhaadhiciyey xabsiga magaallada Berbera, halkaas oo kiiskiisa lagu baadhayo. Dhinaca kale mid kamid ah xildhibaannada golaha deegaanka ee Berbera oo deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Sheekh ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkan uu ninka waranka sitaa khaarijiyey, isaga oo illaahay uga baryay in uu marxuumiintaas u naxariisto, iyagana Samir iyo iimaan ka siiyo. Xildhibaankan oo qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa shaaciyey magacyada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, kuwaas oo kala ah Marxuum Gaaruf Jaamac Bacalleel iyo Marxuum Maxamed Cawil Dheg-jar oo iyagu ah labada qof ee dhintay, halka afarta kale ee dhaawacyadu soo gaadheenna kala yihiin: Aamina Xaashi Aw Xirsi, Cabdi Cali Saleebaan (Wiindhe), Maxamed Axmed Saleebaan Guuleed, Caasha Cawil Axmed.