“Dhulkaygow warli idaa dhaayahaagu gaabnaa imisaan dhursugayoo wanaag soo dhalaaliyo dhawraayey samahoo wakhtigii ila dhaadhacay”
Akhristayaal Madaxtinimadu ma aha in la noqdo Madaxwayne, Wasiir, Agaasime, Maareeye, ama xumin Baarlamaan iyo Deegaan ee waa in loo shaqeeyo dadka iyo dalka uu ilaahay inagu abuuray ee aynu ku noolnahay. Si loo gaadho horumar balaadhan oo dhinac kasta ah.
Hadaba waxaan maqlaynaa in la leeyahay oo ay dawladu ay soo saartay wareegto lagu amar siinaayo dadkii ku jiray shacab Area in ay ka baxaan guryihii ay ku jireen oo ay qaarkood hanti farabadani ka gashay qaarna loogu maamuusay xasaanada ay qaranka usoo hayeen, ma xuma haddii ay dawladu ka dhigayso xafiisyo iyo guryo dawladeed oo caasimada u soo kordhinaaya bilic iyo muuqaal wanaagsan, kalana fududayn karta saxmada iyo cidhiidhiga shaqo ee loo baahan yahay, laakiinse waxaad moodaa in dantii guud ee la wada lahaa ay u soo dhigteen kooxo ku sifoobay budhcad dhuleed doonaaya in ay kaligood uga faa’idaystaan dan gaar ah.
Sidaasi darteed waxay ahayd in wakhtigan aynu joogno ay shaqayso nidaamka dawladnimo ee ku dhisan cadaalada, horumarka iyo wada noolaanshaha walaaltinimo, laakiinse waxaad moodaa in ay soo noolaanayso boobkii lagu gudajiray xiligii dalka la soo galay oo lakala boobaayey danta guud, dalkana ay bililiqo xoogani ka socotay oo ay yarayd ama ay faro kutiris ahayd meelaha ka badbaaday oo ay ka mid ahayd xarunta biyo soo saarka Geed Deeble oo gaadh ay ka hayeen mujaahidiin naftooda u huray oo dhiiro galin ka helaayey halyayyadii halganka ku suntanaa sida Gabax Liibaan, Dr Cabdiwahaab(Nagruma), Madax dhaqameedkii, Odayaashii iyo Waxgaradkii Deegaanka kana ilaalinyey dadkii usoo shaqo tagay hantidii guud ee dalku uu lahaa.
Hadaba waxaad ila akhridaa waraaqda xambaarsan nidaamka dawladnimo ee ka soo baxday Qasriga Madaxtooyada JSL xiligii Madaxwayne Cigaal Ilaahay Naxariistii jano hasiiyee ee sumadeedu ahayd JSL/M/ DHH/039-01/795 kuna Taariikhaysnayd 06/07/1995, Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa Duqa Caasimada Somaliland ee Hargaysa oo Madaxwayne Cigaal amar ku siinaayo in dhulka shacabku uu yahay hanti qaran.