Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Hay’adaha Garsoorka
Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa saaka kormeer kusoo maray Xarumaha Bahda Caddaaladda iyo Garsoorka, waxana ujeeddada Socdaalkan gaabani ahaa sidii uu ugu kuurgeli lahaa Hannaanka shaqo ee Waaxda Garsoorka Dalku heerka ay marayso.
Kormeerka madaxweynaha oo ahaa mid laga sii ogaa xarumaha uu booqanaya, isla-markaana loosii diyaar garoobay, ayaa waxa uu kusoo maray xarumaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka,Xarumaha Maxkamadaha Rafcaanka, Gobolka M/jeex, Degmada, Xeer ilaalinta Guud iyo waliba maxkamadda Sare, isagoo halkaas kula kulmay masuuliyiinta xarumaha la booqday oo warbixino uu ka dhegaystay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Md Aadan Xaaji Cali Axmed oo isagu ahaa masuulkii kormeerkan madaxweynaha ku qanciyey, ayaa ugu horrayn xaruntiisa madaxweynaha ku siiyey warbixin dheer oo la xidhiidha hannaanka shaqo ee guud ahaan bahda garsoorka isagoo hadalkiisa diiradda ku saaray Kormeerro xudun u ah dib-u-habayn Bahda garsoorka lagu samaynayo oo ku hawllan yihiin,“Madaxweyne meeshani(maxkamadda sare) kolay adiga laguu sheegi maayo oo berigii aad xubinta baarlamaanka ahayd hoolkaad fadhiisan jirtay waa halkan oo imikaan sii mari doonaa meel kugu cusub maaha, Laakiin dib u habayn weyn oo cadaaladeed baanu wadnaa anagoo bahdayadii oo dhamiba, waxaa ugu danbeeyey waxaan bishii dhawayd ee 11-aad booqanay goboalda galbeedka oo dhan, waxaanu soo marnay Maxkamadihii, Xabsiyadii iyo meelkasta oo ay cadaaladu shaqo ku leedahay waanu dardar gelinay qof waloo maxbuusa oo xidhan waanu is dul taagnay. imikana waxaa noo qorshaysan wiigan aakhirkiisa waxaan u baxaynaa gobolada bari si aan iyagana usoo kormeerno markaa (Reform) ku dhinacyo badan buu leeyahoo midi waa dib u habayntii (Institutions) midana waxaa weeyaan adeegii cadaalada oo la balaadhiyo oo dadweynaha la gaadhsiiyo midani waxaa weeye in la xoojiyo inay cadaaladu isla xisaabtamaan oo qofka shaqadiisa lagu daba galo oo inuu dadka u shaqaynaayo la ogaado”ayuu yidhi Guddoomiye Aadan Xaaji Cali.
Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Somaliland Md Axmed Faarax Cadare oo isna halkaa ka hadlay ayaa madaxweynaha si weyn ugaga mahadnaqay kormeerkiisa, isagoo hoosta ka xarriiqay in Booqashada madaxweynaha ee maantu ay tahay tii ugu horraysay ee madaxweyne Kursiga ku fadhiyaa ku tago xarumaha garsoorka, waxana uu yidhi,“Madaxweyne waa markii ugu horaysay ee ay suurta gasho in Madaxweyne xil hayaa uu soo booqdo Bahda Garsoorka, waxana ay ka turjumaysaa markii ugu horaysay eed xilka qabatay waxa ugu horeeyey eed bilowday wuxuu ahaa cadaaalada in dib u habayn lagu sameeyo tiibaa maanta noo ah sharaf inaad goobjoog u ahaato oo kormeer ku soo marto oo aad hubiso halka ay marayso”.
Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Mudane Xasan Axmed Aadan oo isaguna Halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha hortiisa ka sheegay inay ku tallaabsadeen tallaabooyin horumarineed oo dhinaca caddaaladda iyo waliba ballaadhinta iyo daadejinta adeegga ay bulshada u hayaan oo ay gaadhsiiyeen Degmooyinka iyo tuulooyinka ka durugsan caasimadda Hargeysa.
Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxana uu bogaadiyey masuuliyiintii uu xarumahooda ku booqday, isagoo carrabka ku ballaadhiyey muhiimadda ay caddaaladdu umadda u leedahay, waxana uu yidhi, “Aad baan u dhagaystay baahiyihiina iyo hawsha aad qaranka u haysaan waan idinku bogaadinayaa aad baanan idinku mahad naqayaa hawsha aad qaranka u haysaan ee fiican ee qiimaha iyo qaayahaba leh.Aniga Farxad weyn bay ii tahay maanta inaan halkan bahda cadaalada kusoo siyaarano oo aanu ka dhegaysano xogwaran buuxa aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin hawl aad iyo aad u weyn baad qaranka u haysaan ninbaa wuxuu yidhi ragg cadaalad wayey sidii cawsha kala yaacye, cadaaladu waa muhiim waa hawsha qaranku ku socdo ummaddu ku socoto dadkuna ku fadhiyo ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hawshaa idinla qabto”
Booqashada saaka uu madaxweyne Siilaanyo ku tegay Xarumaha Bahda garsoorka oo ay ku wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyada, taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska iyo xubno tiro yar oo ilaaladiisa gaarka ah kamid ah, ayaa noqonaysa tii ugu horraysay ee 24-kii sano ee Somaliland dibadda ka ahayd Somaliland uu madaxweyne xil hayaa.