“Ma Ah In Xisbiga WADDANI Uu Majara-habaabiyo shacbiga Oo Arrintii Uu [Shalay] U Codeeyey Hadanna [Maanta] Yidhaahdo Wax Baa Ka Khaldan” – Ibraahim-Tallaabo, La Taliyeha arrimaha Carabta ee Madaxweynaha Somaliland
Berbera (Hubaal)- La Taliyaha madaxweynaha ee amuuraha carabta Ibraahim Ducaalle Saleebaan (Tallaabo) ayaa shir jaraaid oo uu maalintii shalay magaalo madaxda gobolka Saaxil Ee Berbera ku qabtay waxaa uu kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin maalgelinta ay shirkadda DP ku samaynayso dekedda magaallada Berbera iyo horumarka la filayo in ay ku soo kordhiso dalkan Somaliland. Mr. Tallaabo sida oo kale waxaa uu ka hadlay doorashooyinka madaxtooyada ee innagu soo fool leh iyo sumcadda ay dalkeenna u soo kordhinayso qabsoomidoodu. La taliyuhu geesta kale waxaa uu naqdiyey hadallo kala duwan oo madaxda xisbiga WADANI qaar kamid ah kasoo yeedhay kuwaas oo uujawaab ka bixiyey, ugu horreynse waa kan Ibraahim-tallaabo oo sharraxaya maalgelinta dekedda Berbera iyo qaabkii sharciyada loo waafajiyeyey kolkii lagu wareejinayay shirkada DP World “Dekedda Berbera markii baarlamanka la soo dhigay xisbiyada Somaliland oodhami mucaarid iyo muxaafid ka uu doono ha noqdee waa ay u codeeyeen laakiin waxyaabaha cajiibka ah ee Mediaha beryahan dembe ugu badanaya waxa kamid ah xisbiga WADDANI oo marar kala duwan ku andacooda haddallo aanmunaasiba ahayn isaga oo yidhaahda DP World khalad bay ku timi meesha [Somaliland] laakiin DP World waxay ku timi codka xildhibaannada Somaliland ooay ku jiraan xildhibaannada WADDANI, mana aha maanta in xisbigaasi majara habaabiyo dadweynaha Somaliland oo arrintii uu u codeeyey isagu haddana uu yidhaahdo wax baa ka khaldan. Waxa kale ooay ku celceliyaan Berberi caloosha KULMIYE ayay ku jirtaa oo waanu kasoo saaraynaa….Berberi Caloosha KULMIYE ayay ku jirtaa oo waa run, waanay ku jiraysaa oo ka soo bixi mayso”. Sidaas ayuu yidhi La taliyaha madaxweynuhu Mr. Tallaabo. Geesta kale mar uu ka hadlayay dhaqdhaqaaqyadii bilihi ugu dembeeyey kasocday dekedda Berbera waxaa uu Ibraahim Ducaalle uu yidhi “Dekeda Berbera iyo horumarkeeda markaan ka hadlo bishii September ee ugu dembeysay toban kun oo Konteynar in ka badan ayaa ka soo degay waana taariikhda rikoodhkii gu badnaa aya aka soo degay dekadda lamana odhan karo wax baa khaldamay” ayuu yidhi la taliyuhu.
Dhinaca kale waxaa uu Ibraahim Tallaabo ka digay farofarayn uu sheegay in dad gaar ahi ku hayaan shirkadda DP World iyo dekedda ay la wareegtay maamulkeeda ee Berbera “Waxaan uga digayaa dadka farafaynaya DP World iyo dekedda in aanay ku ciyaarin horumarka ummadda oo aanay siyaasadayn ee ay faraha kala baxaan arrimahaas. Xisbiyada Mucaaridka ahna waxaan leeyahay waar niman yahaw arrintani siyaasad uma baahna iyo in la siyaasadeeyo midna uma baahna oo waa arrin horumarinneed ee hala dhaafo oo sideeda ha loo daayo. Waxaa kale oo aan doonayaa inaan in yar ka taabto arrimaha u eeg kaambaynka ee xisbiga WADDANI ku ololaynayo oo ah in arrimihii ay ummaddani kasoo gudubtay uu xoqayo oo taataabanayo, waayo waa la is og yahay oo dadku shalay may imanin dalka ee way is garanayaan ee wixii hore innoo soo maray waxaan odhan lahaa halkeeda halagu daayo waayo nin kastaaba damqasho waa leeyahay, waxaan ummada dan u ahayn yaan lagu soo faqin ummadda ee waa inaad ka hadhaan ayaan leeyahay”.
Gebogabadii la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Carabtu waxaa uu is barbar dhigay khibradda siyaasaddeed ee murrashaxiinta loollamaysa iyo waxyaabaha uu Murrsahxa KULMIYE dheer yahay labada kale. “Anigu waxaan ahay taageere xisbiga KULMIYE ah waxaanan ku taageeray in Murrashaxa KULMIYE uu yahay ninka ugu khibradda badan murrashaxiinta maanta loollamaysa,halgankii dalka lagu xoraynayay raggii kasoo qayb galay buu kamid ahaa illaa maalintii dalka lagu soo noqday illaa maantana wuu dhex taagan yahay dalka, nabad marka ay noqontana waa ninka ugu nabada jecel, waayo had iyo jeer nin dagaal galay uun baa rasaasta iyo dagaalka xanuunkeeda yaqaaanna, ninkaasina dagaalka wuu ka fogaadaa oo wuuka cararaa laakiin ragga ay u cusub tahay ee ku hanjabaya wax baa dhici doona waxan leeyahay adeer tan waxba ka dhici maayaan shacbiguna wuu bislaaday”. Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Md. Ibraahim Ducaalle Saleebaan (Tallaabo) la taliyaha madaxweynaha ee dalalka Carabta oo maalintii shalay warbaahinta kula hadlay magaallo madaxda gobolka Saaxil Ee Berbera.