“Ninka ku dooda in ay Somaliland xiligan aynu joogno ka maarmi karto Caawimada Dunida waa nin is-yeelyeelaya”

0
14

“Hadal yar iyo Hawl Badan ! Masuuliyiin Hawshoodii ka soo baxday” – W/Q: Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

 

 

Inta badan waxaa Caado inoo ah in ay inoo fududahay oo aynu aad ugu dheerayno dhaliilaha Masuuliyiinta Xilalka Qaranka haya marka ay ka gaabiyaan hawsha loo diray iyo mararka qaarkood xataa iyaga oo dedaalaya hadana dhaliisha iyo hiifka lagu hayaa waa mid joogto u ah inta qofku Xil Qaran hayo.

Hadaba waxaan jeclaystay inaan halkan ka tilmaamo oo aan waliba aad ugu Hambalyayeeyo labada Masuul ee kala ah

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Qaranka Mud.Cawale Ibrahim Shirwac oo iyo Wasiirka Wasiir ku Xigeenkiisa Eng. Xuseen Ibraahim Buuni oo shaqadii ay Qaranka u hayeen si fiican uga soo dhalaalay.

Ka sokow shaqada maalinlaha ah ee ay hayaan iyo mandate ka Wasaarada ay Madaxda u yihiin, waxa ay si farshaxanimo iyo aqooni ay ku jirto ay u qaabeeyeen Dariiqa lagu hirgalin karo Qorshaha Qaranka Somaliland NDP2 ee Shanta Sanadood ah oo ay samaysay Xukuumadii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo, iyaga oo u hawl galay inay si Sanadle ah u kala jajabiyaan.

Waxa kale oo aan aad ugu Hambalyaynaya dagaalka Diplomaasiyadeed ee ay ka galeen Weerarkii waxshinimada ahaa ee ay Xukuumada Farmaajo isku dayday in Caawimooyinka Somaliland la hoos geeyo. Taasoo Masuuliyiinta Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland ay ku guulaysatay inaan dunidu dheg u dhigin hadalada Muqdisho.

Waxaa jira hawlo badan oo ay qaateen masuuliyiintaasi qaarkoodna aan kala shaqayno oo aanan halkan ku wada bandhigi karin oo Qaranka Somaliland Muhiim u ah.

Ninka ku dooda in ay Somaliland ka maarmi karto Caawimada Dunida xiligan aynu joogno waa nin is-yeelyeelaya ama aan dan ka lahayn shacbiga reer Somaliland ee masaakiinta ah, hadii isaga iyo caruurtiisu ay ka maarmeen shacbiga reer Somaliland wuu u baahan yahay Caawimo dabadeed oo balaadhan. Hore ayaa boqolaal mashruuc Isu taageen oo boqolaal qof oo reer Somaliland ahi ay ku shaqo beeleen markii aynu si aan ka fiirsasho lahayn u nidhi heer horumar ayaan gaadhnay taasoo sababtay in ay hay’ado badani ay Dalka ka guuraan, dad badanina ay ku shaqo beeleen.

Waxa aynu u baahanahay in Dunida aynu xidhiidh fiican la yeelano oo aynu u hawl galo sidii ay Wadamo badani ugu soo biiri lahaayeen Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo imika ay dhawr dawladood oo kaliyi maalgaliyaan.

Run ahaan waxaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku Hambalyaynayaa in Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka uu u xulay laba Masuul oo hawlkar ah, oo u qalma masuuliyadii loo cugtay.

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here