“Ninka Soo Gignaa Baan Ahay Tan Iyo Geelle Haad Qoyay”

0
54

“Ila Wadaaga Toddoba Qoddob Oo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Dheer Yahay Musharraxiinta kale Ee Loollanka Kula Jira”. W/Q: Farxaan M. Cumar

Marka ugu horaysa ILLAAHAY Baa Mahad iska leh oo ay  Ammaan idilkeed u sugnaatay. Intaa kadib Waxaan jeclahay inaan ka hadlo Qormo siyaasadeed kooban oo ku qotonta xaqaa’iqa loollan siyaasadeedka ka dhaxeeya musharraxiinta jagada Madaxweyne ee doorashada mustaqbalka dhaw mucaarad iyo muxaafidba, taasi oo aynu ku eegayno bisaylka siyaasada, adkaysiga duruufaha iyo wixii la mid ah. Siyaasiyiinta tartamaya oo kala ah: Muuse Biixi Cabdi [Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE], Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro [Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI], Jamaal Cali Xuseen (Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka Ah ee UCID], Maxamed Biixi Yoonis [Wasiirka Arrimaha Dibeda] iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale [Wasiirkii hore ee Maalliyada] oo iyagu la xisbi ah Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, kuna kala bixi doona shirka golaha dhexe ee dhawaantan qabsoomi doona.

Haddaba, kee baa ah siyaasiga dalkan iyo dadkani u baahan yahay, yaase ugu khibrad badan shantan siyaasi?. Inta aanad akhriste su’aalahan aan ku weydiiyey jawaabtooda I siin, aan ka hor mariyo aragtidayda iyo qoddobo aan shakhsi ahaan aaminsanahay ee ku dhereran siyaasiga aan qabo  in musharraxnimadiisu ay khibradi ku ladhan tahay isla markaana musharraxiinta kale ee la loollamaya dheer toddoba qoddob oo isaga u gaar ah. Waa Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga talada wadanka haya ee KULMIYE, oo aan aaminsanahay in uu musharraxiinta kale dheer yahay toddobadan qoddob ee hoose:Muuse Biixi

  1. Hal Abuurihii Guurtidii Madalwayn Ee Ilaa Iminka Jira
  2. Wuxuu Kamid Ahaa Mujaahiddiintii Xoraynta Qaranimada Somaliland Kuwii Ugu Firfircoonaa.
  3. Wuxuu Kasoo Qaybqaatay Dib U Heshiisiintii Iyo Dib U Dhiskii Qarankan.
  4. Waa Ninka Garanayaa Kana Warhaya Ciidamada Qaranka Ilaa Jiida Hote Kana Saarikara Haddii Xaalad Dagaal Dalka Soo Foodsaarto Kuna Xidhan Ciidankoo Dhan Dable Ilaa Saraakiisha.
  5. Curufka Qabaa’ilka Iyo Saami Qaybsiga Beelaha U Leh Khibrad Wayn.
  6. Wuxuu Garanayaa Qaybaha Nolasha Miyi Iyo Magaaloba Tu Dhaqan Iyo Tu Siyaasadeedba Oo Nolosheenu Ku Qotonto.
  7. Iyo Ta Ugu Danbaysa Oo Ah Resistant Ka Ama Bisaylka Si Yaasiga Ah Taas Oo Markii Hore Lagu Xaman Jiray Inaanu Lahayn Hadase Aad Moodo Inuu Madaxweyne Siilaanyo Udiray Course Oo Kolba Ku Sii Daayay Koox Wasiiro Ah Oo Kadaba Rari Jiray Kolaba Wuxuu Is Yidhh Qabo Taasi Oo Madaxweyne Siilaanyo Yaqiinsaday Inuu Maanta Dalka Hogaamin Karo…..

Markaa Waxaad moodaa inuu Muuse leeyahay:

Wuxuu Gaadhba Gaadh Noo badalay Goor Danbaad Timiye

Ninka soo gignaa baan ahay Tan iyo Geelle haadqoyay.

Wa Billaahi Towfiiq

Qalinkii: Farxaan Maxamed Cumar

Hargeysa, Somaliland

gutaalenur@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here