“….Ninkan Meesha Haysta [Madaxweynaha] waxaanu Leenahay Reerkiina Ayaad Meesha U Fadhidaa…Halkaas Cabdalla Arab Degen yahayna Maaha KALSHAALE’e Wallaahi In La Eedi”

0
27

RADIO HUBAAL: Dhegeyso Suldaanka Guud Ee Beelaha ARAB Oo Si Adag Ugu Digay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xukuumaddiisa

“….Ninkan Meesha Haysta [Madaxweynaha] waxaanu Leenahay Reerkiina Ayaad Meesha U Fadhidaa…Halkaas Cabdalla Arab Degen yahayna Maaha KALSHAALE’e Wallaahi In La Eedi”

Hargeysa (Hubaal)- Suldaanka Guud Ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Ayaa si Adag Ugu Digay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Tallaabada Ay Ciidammada Ku Dul Dhigtay Deegaanka Balliga Diiriye Guulleed,  Beesha Cabdalla Arab ayaa si toos ah u diiday go’aankii ay wasiiraddu ka soo saareen balayga Diiriye Guuleed, waxaanay ku hanjabeen in aanay aqbalayn in barkadahooda la Aaso.

Suldaan CumarSuldaanka guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo   arrintan ka hadlay maanta isaga oo ka digay cawaaqib xumo ka imman karta go’aankii hore ee Wasiiradda iyo ciidamada dawladda ee la geeyay, waxaana uu ku taliyay in laga noqdo arrintaasi. Xukuumadan Somaliland ayaan ka hadal arrintan.

“Annaga Reer ahaan Waxaad Mooddaa In Looga Dan Leeyahay Arrin Kale Oo Ah In Reerkani Ku Ad-adagyahay Somaliland-nimada Hala Bisleeyo Si uu Somaliland-ta Uga Noqdo, Mana Suurto Galayso Inaanu Ka Noqono,  Laakiin Ninka Doonaya Inu Ka Noqdaa Isagaa Bannaanka Iman Doona”

“….Ninkan Meesha Haysta [Madaxweynaha] waxaanu Leenahay Reerkiina Ayaad Meesha U Fadhidaa Haddaad Dhul U Doonayso Halkan Ha ka Talinine Dagaalka Soo Gal Oo Xaggaas Qori kasoo Qaado…Halkaas Cabdalla Arab Degen yahayna Maaha KALSHAALE’e Wallaahi In La Eedi”

“Faarax Nuur Markuu Lahaa Ka-sabaan ka-sabaan baan Rag Sama-uun ka Talinayaayey, Sagaal Qoddob buu soo qaatoo In tii badnayd way socotay”.

: Mobile-kaaga Ka Dhegeyso Suldaanka Guud Ee Beelaha ARAB Oo Si Adag Ugu Digay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xukuumaddiisa

u_107110d_2013-8-5-20-6-9f_9

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here