Hargeysa:(Hubaal)-Siyaasiga Cabdilaahi Jawaan oo kamid ah Siyaasiyiinta madaxa Bannaan ee Somaliland, horena u soo noqday Guddoomiyihii Komishanka qaranka, ayaa ka Hadlay dhawaaqda ay mucaaridka iyo muxaafidka somaliland isku dhaafsanayaan qoraallada lagu baahiyey Mareegta Wikileaks, waxana uu naqdiyey dariiqa ay dhinacyadu ku mareen ka Hadalka arrintaas.Cabdilaahi Jawaan oo shalay la Hadlay warbaahinta qaar kamid ah, ayaa soo jeediyey in arrimaha noocaan oo kale ah mucaarid iyo muxaafidba aan ka hadalkooda lagu degdegin, isla-markaana aan loo dhaqmin hannaan ka farxinkara cadowga somaliland. Waxa uu hoosta ka xarriiqay inay nasiib darro tahay inay qaran-nimadeena halis ku gelino qoraaalo laga soo weriyey shabakad ninkii lahaaba uu haatan maxbuus yahay, “Ninka waxa aynu iska haysanno qoray waa nin ay dawladihii dimuqraaddiyadda ilaalinayey ee ingiriisku Safaaradda ku xidheen ee Katiinaddu dibadda u taallo Hadduu dibadda usoo baxo, waxanu ka hadlaynaana waa in laga hortago wixii dalka wax u dhimayo anigoo aan xisbina ku jirin oo nin iska madax bannaan ah.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan. Waxa uu sheegay inay waajib tahay in difaacidda arrimaha qaran-nimada ku tacaluqa si siman loo difaaco, waxana uu yidhi,
“Waxa waajib inagu ah qof waliba marka ay arrin qaran timaaddo in la difaaco, waayo annagu dadka waxan ku hadlay liddi kuma nihine waxanu leenahay waddo qaldan baa la maray. Haddii qalad dhacayna waxa la leeyahay somaliland baa la baabi’iyey hadalkan ay ku dhawaaqayaan baana baabi’intii ka mid noqonaya oo dalkii dhaawacaya.” Waxa uu kasoo horjeestay sida ay mucaaridku arrintaas uga hadleen, isagoo sheegay inay haboonayd in arrinta guddi Heer baarlamaan ah loo saaro, isla-markaana natiijada kasoo baxda lagu go’aan qaato,“Waxay ahayd in guddi baarlamaan loo saaro oo arrintaas la baadho oo markay wax soo baxaan sida duniduba tahay xeerarkeena la raaco, madaxweynahaa qaldami kara, shakhsi baa qaldami kara, markay xaqiiqo soo baxdaana Golayaasha dalka ka taliyaa ay ka fadhiistaan oo go’aan kasoo saaraan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan