Madaxweyne Muuse Biixi Oo markii U Horeysay Meel Fagaare Ah Kaga Jawaabay Xanta Dawladiisa Kaga Soo Noqotay & Aragtida Uu Ka Aaminsan Yahay
“Anigu [Wasiirrada] Umaan Diran Reer Hebel & Odayaashii Soo Ururiya Oo Dawlada Taageera Dheh Laakiin …….Xanta Dawladayda Ee Aniga La Iila Yimi Ayaan Idiin Sheegaaye Waxa La I Yidhi Waar Wasaaraddii Maalliyada Cidla Ayaad Ka Fadhidaa Oo Ciyaal Baad U Dhiibtay, Waxbarashadiina Waxaad U Dhiibtay Niman La Afgaranayoba Maaha”
Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horreysay jawaabo ka bixiyey waxyaabaha lagu xanto dawladdiisa iyo xanta wasiirrada uu u xushay xilalka wasaaradaha ugu miisaanka cuus xukuumadda. Md. Muuse Biix Cabdi waxaa uu sheegay in shuruudaha uu ku xushay wasiirrada ugu shilis xukuumadda iyo aragtiyaha ay bulshadu ka bixinaysaa aanay is waafaqsanayn marka loo eego danta guud iyo danta gaarka ah ee dawladnimada laga rabo. Madaxweynuhu waxaa uu carrabka ku dhuftay hadallo kaga soo noqday wasiirrada wasaarado uu sheegay in uu isagu aqoon buuxda u leeyahay muhiimada ay leeyihiin iyo qorshaha laga rabo inay qaranka ku hogaamiyaan kuwaas oo uu sheegay in masuuliyiinta uu u magacaabay ay dhaliillo kaga soo noqday isaga oo ku dooday in is-diiddooyinka danaha guud iyo kuwa gaarka ahi ay sabab u yihiin in caqliyada shacbigu naqdido wasiirradaas. Kuwaas oo uu tusaale u soo qaatay wasaaradaha waxbarashada iyo maalliyada oo waajibaadka ay masuuliyiinta xilalka ka haysa u idman yihiin iyo falcelinta kaga timi markii uu magacaabay aanay is lahayn. Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyey Mashruuc Lagu Hirgelinayo Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee Waxbarashada Qaranka JSL Oo uu isagu Daah-furay, waxaa kale oo uu kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin dabeecad ay bulshadeenu kala siman tahay caalamka ay isku fakarka yihiin oo dabada ku haysa dariiq wado dhuxuleed ah oo waqti xaadirkan u baahan in la is weydiiyo sidii loogu leexin lahaa jihada toosan. Khudbada madaxweynaha oo ka koobnayd qadar 17 daqiiqo iyo ilbidhiqsiyo ah ayaa waslado kamid ah hadalkiisa oo uu wargeyska HUBAAL idiinka soo garoocay waxaa uu kaga hadlay arrimaha aynu kor kusoo xusnay. Waxana uu yidhi “Markaynu Somaliland nahay waxaynu dhammaanteen isku bogaadinaa oo runna ah inaynu nabad ku nool nahay oo aynu nabad wax ku dhisanay oo aynu wax badan yabyabanay, haddana inay wali innagu jirto maskax dagaal oo haddii uu halkaa qof ka hadlo aad is weydiinayso oo aad markaaba odhanayso muxuu ahaa kaasi iyo kuma ayuu ahaa, hadda waa sheekhaas aynu nidhi ha inna tukiyo, haddana waxaynu odhanaynaa sheekhaa inna tukinayaa muxuu ahaa hore umaan arage?, [haddaad tidhaahdo] waa sheikh wanaagsan oo AZHAR kasoo baxay oo waadigaa arkaya sida uu quraanka u akhrinayo. [waxa haddana aynu odhanaynaa] haaye qoloma ayuu ahaa …..ceeb maaha oo bani aadamku marka uu baqdo waxaa uu dabada geliyaa unug yar oo koox yar ama qoys yar ayuu isku aaminaa taasina ceeb maaha oo caalamka oo dhan waa caadi, laakiin lama qarsado ee waxaa la is weydiiyaa sidee ayaynu uga baxnaa”. Sidaas ayuu yidhi Madaxweynuhu
“Ninkastoo madaxweyne noqdaa marka hore ee la dooranayo ee lagu soo gelbinaayo kursiga waa nin wanaagsan oo lasoo wada amaanayoo loosoo sacabiyey, marka uu meesha [kursiga] joogana waxaa la yidhaahdaa wallaahi ninku sidii aynu moodaynay maaha, markuu muddo joogana waxaa la yidhaahdaa waar kan kii hore ayaa dhaamay oo waa looga sii daraa. Maxay taasi u dhacaysaa?. Waxaynu leennahay rejooyin oo waxaa laydinka ballanqaadayaa inaynu wax wada qabsano,tusaale yar haddii aynu soo qaadano waxaa jirta maahmaah yar oo odhanaysa ‘ninkaas aynu dooranaynaa hadduu uu shan walaalo ah wada magacaabo waxaynu u baahannay wax wax qabta [laakiin] marka meesha [talada] laguu dhiibo intii aad sidaas kusoo wada heshiiseen waxaa lagu odhanayaa wasaaraddaas reer hebel way ka maqan yihiin, [cida sidaas odhanaysaana] maaha shan qof iyo afar qof ee waa xataa mutacalimiintii iyo inankii yaraa baa sidaas immika u fikira”. Ayuu madaxweyne Muuse Biixi yidhi, waxaana isaga oo doodiisa sii wata uu intaa ku kabay waxyaabaha lagu xanto xukuumadiisa, “Xanta dawladayda iyo aniga ayaan idiin sheegayaa, anigu wasaarado badan baan u leeyahay aqoon wasiirka waxbarashada oo shahaadada labaad (Master) haysta oo waayo-aragnimo 40-sano ah haysta, wasiir-ku-xigeen iyo agaasimaha oo PHD diyaarinaya. Haddaan idiin sheego xanta la iila yimina waxaa la I yidhi waar wasaaraddii waxbarashada yaad u dhiibtay?, waxaan u dhiibay niman barfasoorro ah…. Oo niman la af garanayoba maaha’e, oo maxaa loo afgaran waayay, anigu waxaan u dirtay sidee baa tacliinta iyo ardayda reer Somaliland mustaqbalkooda loo wanaajinayaa laakiin umaan diran reer Hebelna soo ururi odayaashii iyo dadkiina u tag dabadeedna u sheekee oo dawlada taageera ku dheh. Waxaa la mid ah wasaaradda maalliyada, gebigoodaba shahaado [certificate] baan ku qaatay, waayo arag ma yahay, wasaaradda ma soo dhex joogay iyo waa imisa jir, laakiin xantayduna waxa weeye wasaaraddii maalliyada cidla ayaad ka fadhidaa oo Ciyaal baad u dhiibtay. [Anigu waxaan xushay] shan iyo afartan jir Master ah oo wasaaraddana ku dhex jiray ayaan ku tijaabiyey. Muxuu ii soo qaban lahaa ma dawladda hala taageero oo maalin walba dawladda hala amaano oo maalin walba odayaal hala shiriyo. Anigu taas kama doonayo ee waxaan u diray dhaqaallaheennu sidii uu u hagaagi lahaa, marka hore waxba sixi maayaane haba lulmo laakiin dhankii aqoonta inay wasaaradda u jiheeyaan baan doonaynaa”. Ayuu Madaxweyne Biixi yidhi, waxaana uu intaa kudaray “Wadaadadu xadiis bay ku sheegaan in aakhiro ninka faqiirka ah ee dantiisa ka wayn iyo ninka taajirka ah ee aan dadka waxba siin, cadaabta waxa ku horreeya fiqiirka kibraaniga ah ee dantiisa ka wayn, waayo dhalanteed buu ku nool yahay oo xaqiiqada isma taabsiinayo kii xoollaha hayay ee bakhaylka ahaana cadaabta wuu ku dambeeyaa. Markaa waxaynu u baahannahay waxa yare e aynu hayno xaggaynu ku hagaajinaa”.