“Ninkii Timir beeriyo, kii Tiin Tallaalayba, Taariikhdu way qori”; Safaaradda S/land Ee Adis-Ababa Waxay U Baahan Tahay Aqoonyahan La Jaanqaadi Karra Diblomasiyadda Dunidda; Qalinkii Omar Mohamed Tukaale

0
50

Marka ugu horaysa waxaan dhambaal  hambalyo ah u dirayaa madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo wax qabadkiisa iyo marwalba sida uu ugu heelanyahay  dhismaha qaranka,

maqaal

Hadaba jaaliyada reer Somaliland ee Addis Ababa waxay sidoo kale aad u soo dhaweeyeen oo ay markiiba hambalyo u dirayeen madaxwaynaha Somaliland markii ay arkeen  inay meesha ka baxday wada shaqayntii wakiilka Somaliland ee Addis ababa iyo wasaaradd khaarajiga isagoo oo ka gaabsaday Aadan Nuux Dhuule hawshii loo igmaday, markii uu arkay hoos u dhaca ku yimid shaqadii  safarada oo gabi ahaanba ka baxaday meesha.

waxaa meesha ka baxay wada shaqayntii jaaliyada iyo safaarada,waxa uu safiirku dhaawac wayn u geystay xidhiidhkii labada wadan isagoo ku sifoobay sida tan

 

1-       Aqoon badan aanu u lahayn (diplomacy)

 

2-       Safiirku oo aan ahayn   qof fur furan oo dad hanan kar ( charismatic) )

 

3-       Isagoo aan ka muuqan   faagrayaasha lagaga hadlayo siyaasada (AU, UN&  Embassies )

 

4-        Safiirka oo aan daacad u ahayn dawladiisa  ,hadii aanu ku raacsaneyn siday dawladu wax u wado waxay ahayd inuu  ( Resign  )  gareeyo

 

5-       In hantida ka soo baxda viisayaasha ay yeelato (accountability) ayey ahayd, xagey martaa

 

Hadaba iyada oo aynu wada ogsoonahay sida uu ku yimid safiirku, oo qaba gabar amina Waris habar yar u tahay, wuxuu ku guul dareystay hawshii loo igmaday oo isugu soo ururtay ku xigeenkiisa oo runtii dhabarka u ritay , sidii ay safaaradu u sii shaqayn lahayd.

Dhinaca kale waxaa in badan isasa soo tarayey cabashadii iyo dhaliilihii waxaa meesha ka baxay waxqabadkii, dhanka kale, Dowladda Siilaanyo oo ku caan baxday siyaasad furfuran  oo ku dhisan dhamaan danaha qaran Somaliland

Wakiilka Somaliland Adam Nuux Dhuulle intii uu joogay waxa ka mid ah inay u qabsoontay  inuu ku kacay fal ka ku lid ah qaranimada Somaliland sirihii qaranka oo  banaanka u soo baxay inuu waxba ka qaban waayey jaaliyad reer Somaliland ee ku dhaqan addis ababa ka muujiyey waxqabad la,aan muuqata intii uu joogay xafiiska waxaa jeelasha ka buuxa muwaadinin reer Somaliland ah oo ay tahay in  wax lala qabto sidii loo soo daynlaha.

Waxaa kale oo meesha taala xafiiska waxaa soo galaya dhaqaale fiican oo ku filan dhamaan shaqaalaha jooga xafiiska oo uu kaligii Adan isku koobay taasina waxay ku tusaysaysaa in meesha ay ku jirto musuqmaasuq baaxad wayn.

Wuxuu hanam kari waayey Ethiopia inay siiso Diplomatic ID dhamaan shaqaalaha ka hawl galo xafiiska Somaliland ee Ethiopia.  ID cards lagu garto taasi oo inuu uu joogay xafiiska ay shaqaaluhuu la kulmeen in qaar ka mid la xidhixidho iyo in mar walbana  la waydiiyo ID kaadhadhka Aqoonsiga dalka ay ku joogaan.

Adam Nuux Dhuulle oo la moodayey markii uu madaxwaynuhuu u soo magacaabay xafiiska inuu waxbadan ka badalidoono ayaa dhamaanba waxaa hoos u dhacday shaqadii safarada Addis ababa oo ahayday meesha keliya ee qadiyada Somaliland laga iibgeeyo, waana wadan keliya ee siyaasad ahaana si fiican Somaliland ula shaqeeya dhinac walba.

 

Waxay dhamaan jaaliyada reer Somaliland ka codsanayaan madaxawaynaha inuu u soo magacaabo xafsiika

 

1-       Qof leh aqoon heer sare ah, lana eego (Merit) , sita shahaado ugu yaraan Masters ( with relevant experience)

 

2-       Ka soo shaqeeyey international arena

 

3-       Dad kasban kara

 

4-       Waxa ku qurux badan waliba beelaha darafka

 

Qof  shaqada u leh waayo aragnimo buuxda iyo cid wada shaqayn la yeelata dhamaan qaybaha jaaliyada.

Hadaba shaqada qaranka loo qabanyo nin walibana waxaa uu qabtay Taariikhda  ayaa qori nin kaga taga waxqabad hufan iyo nin kaga taga taariikh madaw

Hadal iyo dhamaantii: “Ninkii Timirta beeriyo, kii Tiin Tallaalayba, Taariikhdu way qori

 

Qalinkii Omar Mohamed Tukaale.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here