“Noo Nasteexeeya Oo Hannagu Caayinna Khudbadaha Aan Waxba Nagu Caddayn Karin Haddaanu Maxakamadda Geyno”

0
61

“Waxa Tusaalle Innoogu Filan Waxa Ka Dhacaya Liibiya, Suuriya, Ciraaq Iyo Yemen, Kuwaas oo Burbur Dhaxlay Markii Ay……” – Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada JSL

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi Ayaa ka warramay sida ay xukuumad ahaan uga go’an tahay in ay qaataan wixii canaan ah ee kaga yimaada bulshada qaybaheeda gaar ahaanna bahda culimada, balse ay taas bedelkeeda nasteexo u arkaynin khudbadaha aan ka turjumayn tallada ee laga jeediyo masaajidada. 13450844_985199321593921_5967578992777288037_nWasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlay afur wadareed uu madaxweynuhu shalay fiidkii ku qaabilay bahda culimada Somaliland ayaa ku dheeraaday sida ay uga go’an tahay xukuumada uu hogaaminaayo mudane Axmed Maxamed Silaanyo inay qaadato nasteexooyinka loo soo jeediyey isla markaana ay u soo jeediyeen culimadii waaweynayd ee dalku, isagoo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi “Martiqaadkan madaxweynuhu wuu ka gundheer yahay afurka iyo cashada aynu ku kulanay, waxaanu daaran yahay in ay isku xidhnaadaan hogaamiyeyaasha diinta oo idinka ah iyo annaga oo ah masuuliyiintii qaranka ee uu hoggaamiyaha u yahay madaxweynuhu. maruu ka hadlayay hadday kala xidhiidh furtaan culimada iyo masuuliyiinta qaranku wuxuu sheegay inay taasi culays ku tahay nayso qaranka. Waxaanu tusaale u soo qaatay waxa ka dhacaya liibiya, suuriya, Ciraaq, iyo Yemen, kuwaasoo burbur dhaxlay, ka dib markii ay kala tageen culimo awdiinkii iyo masuuliyiintoodu”.

Waxa uu intaa raaciyey “Noo nasteexeeya oo wax noo sheega oo nala taliya, balse hana caayina oo khudbadaha aad jeedinaysaan ha nagu soo darina idinkoo na dhaleecaynaha, annagoon idin ku diidin talo aad noo soo jeediseen sida ay culimada qaar yidhaahdaan iyagoo waxba nagu caddayn Karin hadii aanu maxkamad geyno, oo xatooyo xoolo dawladeed ayey nagu sheegaane, aan si la taaban karo u sheegi karin”. Wuxuu u soo jeediyey culimada in meel looga soo wada jeesto xagjirnimada, argagaxisada iyo kuwa banaystay dhiiga la daadinayo ee sida khaladkaa u weeciyey islaanimadii naxariista ahayd.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here