Noole Waa Dhinte;- Xus iyo Xusuus Baroor-diiq U Ah Marxuum Cabdiweli F. Jaambiir….Qalinkiii: Hassan H. Keefkeef  

0
37

MAxaa Lagu Xasuusan Doonaa Marxuum Cabdiweli Faarax Ibraahim (Jaambiir)

Geeridu Waa Xaq, Inta aad doonto haddaad  Dunida tax-taxaashto oo ay geeridu ku deyso gabo baan ku seegayn…. Illaahay waxaan uga baryayaa Cabdiweli Inuu Naxariistiisa Janno Ka waraabiyo, runtii markaan maqlay  geeridiisa waxa ay beddeshay jewigii aan kujiray iyadoo naxdini saaqday dubaaqayga oo idil. Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun.

Geerida Marxuumku waxa ay maskaxdaydu I xasuusisay shakhsiyaddiisii iyo Meertadii noloshiisu soo martay oo aan aad u xiisayn jiray inuu iiga sheekeeyo xilliyada aanu kulanno, saamayn badan oo ay lahayd awgeed…. Waxa cajalladayda Xusuuta ku soo dhacday Taxanihii HAYAANKII HILOWGA ARWAAXDA ee Marxuum Cabdiweli Ku sookoobay  tacabir gedgeddoon badan  lahaa oo  uu soo maray isaga oo Isbedel ku samaynaya noloshiisa.  HILOWGa ARWAAXDA waxa Marxuumku u qorshaysnaa oo uu ku hammiyi jiray inuu dhigane (Buug) daabacan ka dhigo,   afkiisa ayaannan ka qaaday Qorshahaas oo uu maalin iiga sheekeeyey inuu wado. Ma hubo hadda halkuu buuggaasi ku dembeeyey  in la daabacay iyo in kale, waase arrin u baahan in daba galo haddii waqtigu u saamixi waayay hirgelintiisa, waayo waa dhaxal baal dahab ah ka geli doona Mahadhada.

CaptureMarxuum Cabdiwali waxa lagu xasuusan doonaa inuu ahaa Warshad soo saartay jiil cusub oo   u badan dhalinyarada reer Somaliland ee kacaamay bilawgii sagaashamaadkii, kuwaasoo uu aqoon, dhiirrigelin, gacan-qabasho iyo wax la-qabashaba uu ugu deeqay.

Saaxadda warbaahinta intii aanan ku soo biirin waxa uu Marxuumku ii ahaan jiray   macalin  xilligaygii ardaynimo,  xattaa markii aan raad baradka ku ahaa warbaahinta oo aanu marar badan soo wada shaqaynay arday baan u ahaa ka faaiidaystay khibradiisa.

Waxa uu ahaa ruux qalbi wanaagsan oo jecel in qofkastaa horumar gaadho, waxaan ka mid ahaa taariikhduna marag ka tahay  shakhsiyaad badan oo uu  aad u dhiirrigelin jiray, isagoo  si weyn ula talin jiray dhalinyarada uu arkayo inay deddaalayaan, kuwa dedaalkoodu kooban yahayna kula talin jiray inay dedaal muujiyaan oo ay higsadaan kuwa hadba muraayadda ama hormuudka u ah ee iyaga ka horreeyey, waxaan iga tirtirmi doonin  hummaagyadii farshaxanka ku dherernaa ee uu sida cilmiyanka ah ugu sheekayn jiray  isagoo sawiraya uu doonayo inuu kugu hogo tusaaleeyo si aad u fahanto nuxurka uu ka hadlayo.

Sawirrada aan halkan ku daabacay waa xusuus ku suntan mid ka mid ah sooyaalka farxadda ee Marxuumku soo maray, waa Habeen isaga iyo intii wehelinaysay oo aan ka mid ahaana la qayb sanaynay jewigii rayn-raynta huwanaa ee aanu ku jirnay. Waa 13-kii bishii August ee sanadkii 2009-kii oo ku beegnaa arooskiisii isaga iyo marwadiisii labaad. Goobtu waxa ay ahayd HOTEL XAMDI ee  Hargeysa, Akhyaar badan oo meelo kala duwan haatan ku dembeeyey ayaa habeenkaa madasha ku sugnaa. Hadal iyo dhammaan caawa habeen farxadeed ma joogno, Waxaase sawirka aan uga danleeyey uun xusuus  iyo inaan aynu u ducayno Marxuumka. Innaalillaahi wa innaa ileyhi raajucuun.

 Naxariistii Janno alla ha ka waraabiyo Marxuum Cabdiweli Faarax Ibraahim (Jaambiir), Ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo bahda warbaahinta ee uu ka baxayna samir iyo  Iimaan ha ka siiyo.  aAMIIN aAMIIN

IMG_1845a

IMG_1858a

IMG_1846a

Marxuumka iyo aniga

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here