Nuuradiin Schools Oo Dahab cascas & Baabuur Qaalli Ah Ku Abaal-mariyey Hablihii & Innamadii Imtixaanka Shahaadiga Ah Ugu Sarreeyey

0
158

Baabuur Cusub, Shahaado-sharafyo Qaalli Ah, Billado Sawirran, Takhammo Dahab ah Iyo Abaal-marino Kale Oo Qaalli Ah Ayaa ardaydaasi Lagaga Farxiyey

Hargeysa (Hubaal) – Maamulka Sare ee dugsiyada Nuuradiin Secondary School [qeybta hablaha iyo qaybta innamda] ayaa abaalmarin qaalli ah ku maamuusay ardaydii kaalmaha sare ka gashay imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasallada afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada sideedaad ee dugsiyada dhexe ee sanad dugsiyeedka 2016/17 ee dhawaan lagu dhawaaqay natiijadiisa, kaasi oo ardaydaaasi ay guullo lama illaawaan ah kasoo hooyeen isla markaanna rikoodhkii ugu sarreeeyey ay dhigeen. Ardaydan oo qaarkood ay islamarkiiba deeqo waxbarasho oo caalami ah ay ka heleen dalalka Turkiga iyo Suudaan   halka qaarkoodna ay jaamacadaha dalka galeen ayaa munaasibad shalay aroorryadii hore lagu qabtay daabuurka dugsiga sare ee Nuuradiin qaybtiisa hablaha waxaa maamulka dugsigu uu abaal marino qaalli ah oo ay baabuur iyo dahab cascasi ku jiraan ku guddoonsiiyeen ardaydii guusha soo hoysay iyaga oo madashaasina ugu duceeyey ardaydaas oo qaarkood ay isla shalayba dalka ka dhoofayeen iyaga oo kus ii jeeda dalalka ay deeqaha waxbarasho ka heleen. Madashii shalay oo ay ka qayb galeen wasiiru-dawlaha iyo wasiir kux igeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, agaasimeha waxbarashada dugsiyada gaarka ah ee wasaaradda waxbarashada, agaasimaha guud ee wasaaradda Madaxtooyada, Culimaa’udiin,  maamulka, macalimiinta, ardayda,  iyo marti sharaf kale waxaa ardayda lagu maamuusay daabuurka hore ee dugsigaasi ooa y xilligaasi kusugnaayeen  in ka badan kumanaan arday oo wax ka barta dugsigaasi, kuwaas oo maamuuska ardaydaasi uumaamulka dugsigu ku tilmmaamay mid ka sokow abaalmarintooda dhiirigelin u ah ardayda kale ee sanadkan iyo sannadaha soo socdaba isu diyaarnaysa imtixaannaadka shahaadiga ah. Ugu horeyn maamulaha guud ahna aasaasaha dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey ujeedada xafladdan iyo farriinta ay xambaarsan tahay.  “Munaasibada maantu waxay calaamad ku tahay mid lagu maamuusayo ardaydii ugu sarraysay natiijadii imtixaannada shahaadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland,taasoo aanaan [maamul ahaan iyo dugsi ahaanba] ku qabannin hudheel bale aanu doorbidnay inaanu ku qabanno barxadda dugsiga sare ee Nuuradiin qeybtiisa Hablaha u gaarka ah”. Sidaas ayuu yidhi maamulaha guud ahna aasaasaha dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed oo khudbad kajeediyey madashaasi, waxaanu intaa ku daray  “Waxaanu markii hore doonaynay oo noo qorsheysnaa inaanu labada qaybood ee dugsigu ka kooban  yahay ee hablaha iyo innamada  aanu mid kasta gaarkiisa ugu qabanno  xafladdiisa laakiin waxaa na yara dedejiyay ardayda aynu maamuusayno oo dabcan kamid ah ardaydii wadanka oo dhan ugu sarraysay natiijadii heer qaran ee imtixaanka shahaadiga ah, kuwaas oo qaarkood ay maanta [shalay] u ambobaxayaan wadanka Turkiga oo ay ka heleen deeqo waxbarasho iyaga oo maanta 12:00 duhurnimo ee maanta dhoofaya oo ay ku qoran  yihiin diyaaradda”.

Maamulaha guud ee Noradin School Xaaji Mahad waxaa uu dhinaca kale faahfaahiyey waxyaabaha sanadkan summada iyo sawraca   u ah ardayda dugsigooda ee ay kaga duwan yihiin sanadihii hore marka la eego guullaha ay kasoo hooyeen imtixaannada shahaadiga ahoo ay urursadeen dhibcihii u sarreeyey “Sannadkan waxaa ay ardaydan aynu maanta maamuusaynaa kaga duwan yihiin kuwii sanadkii hore tobanka hablood ee ugu sarreeyey imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2016/17, waxaa ay ka socdeen iskuulka Nuuradiin, weliba waxaa ay kala heleen kaalmaha 1aad, 2aad, 3aad, 4aad, 7aad, 8aad iyo 10aad, xagga ay wiilashu ay kaalinta 1aad, 2aad, 5aad iyo 9aad ay galeen.  inankii ugu sarreeyey dalka oo dhamina waxa uu ka socday iskuulka Nuuradiin kaasi oo dhibcaha uu helay ay ahaayeen kuwo rikoodh jebis ah oo weliba ardayga ugu soo xigay  oo dugsiga gaarka ah ee SOS ka socday uu dhawr iyo toban dhibcood ka sarreeyey, waxaa uu noqday Khaalid Maxamed Odowaa Tukaalle, waa  ninka rikoodhka layaabka leh dhigay kun dhibcood baa la doonayay imtixaanka, waxaanu keenay isagu 924 dhibcood. Iskuulladeenna kale ee hoose/dhexe [primary] iyaguna kama ay qadin oo kaalinta 3aad ardayad Xanaan la yidhaahdo oo form one-ka immika soo gashay  ayaa jamhuuriyadda u gashay, kaalinta afraadna waxaa galay arday iskuulka Nuuradiin qeybtiisa Daloodho ka socday. Markaa aniga oo hadalka soo koobaya xafladdeenu waxaa ay ku astaysan tahay abaal marintii ardaydaas.” Ayuu Xaaji Mahad yidhi. Gebogabdii waxaa uu maamuluhu ka hadlay noocyada iyo qaybaha ay ka kooban yihiin abaalmarinnaha la siinayo ardaydaas iyo qiimahooda oo dabcan hablaha ay u dheerayd in madaxooda dahab lagu miisaamay

“ninka rikoodhka ugu sarreeya dalka dhigay oo Khaalid Maxamed Odowaa ah waxaa dugsigu siinayaa baabuur [Mark 110 ah] oo noocii ugu dembeeyey ah oo habeen hore dekedda dhexdeeda laga soo iibiyey, waxaa buuga gaadhiga ku qoran magaciisa iyo sawirkiisa, waxaa kale oo u diyaar ah jaaisad weyn iyo shahaado sharaf qaalli ah iyo weliba billad khaas ah.  Halka inantii ugu sarraysay  oo ah Asma Yuusuf Aadan ay u diyaar yihiin takham dahab ah oo dhamaystiran [ laba dhegood, Silis, gacan  iyo kaatun], waxaa  kale oo udiyaar ah  shahaado sharaf iyo billad ay sawirkeeda iyo astaanka Nuuradiin ku xardhan yihiin. Waxaa iyagana dhammaantood hablihii kaalmaha sare galay oo ay dabcan ku jirto inantii dugsiga dhexe ugu sarraysay iyagana dhammaantood inan walba takham dahab ah  ayaa diyaar u ah.  Innamada kaalmaha sare galay waxaa iyagana mid kasta u diyaar ah oo la gudoonsiinayaa jaaisado qiimo badan iyo mid kasta hal Labtop oo noocii u dembeeyey ah”. “ugu dembeyn aniga oo ku hadlaya magaca iskuullada Nuuradiin, magaca maamulka iyo macalimiinta iyo  ardayda Nuuradiin waxaan u mahad celinayaa  shirkadda Dahabshiil Group of Companies, Illaahay ha barakeeyo ee aamiin dhaha,  shirkaddaasi iyada ayaa jaaisadahaas qaalliga ah ee dahabka iyo baabuurtu la socoto doorka ugu weyn iyo dhaqaallaha inta ugu badan ayay ka bixiyeen, waxaa iyadana lama ilaawaan ah dugsigan baaxaddaleh qalabkiisa iyo dhismihiisaba waxaa hirgelisay shirkadda Dahabshiiil waxaanan leeyahay illaahay ha barakeeyo. Xaaji Maxamed Siciid Ducaalle oo ah guddomiyaha iyo mulkiillaha Dahabshiil waxaan leeyahay kumanaanka arday ee dugsigan dhigta iyo kuwii ka aflaxayba markasta way kuu ducaynayaan”. Ayuu yidhi maamulaha guud ee Nooradiin yidhi.   Dhianca kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiiru-dawlaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiir kux igeenka wasaaraddaasi, agaasimaha guud ee wasaarada  Madaxtooyada Marwo Khadra Xaaji Geydh, culimaa’udiin ay kamid ahaayeen Sheekh Aadan Siiro, Sheekh Ismaaciil dheeg, Sheekh Maxamed Aadan iyo Marti sharaf kale.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here