Hargeysa (Hubaal)-Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin X. Mahad Ibraahim Maxamed, ayaa si weyn usoo dhaweeyey dedaalka ay sanadkii lasoo dhaafay dugsiyadiisu sameeyeen, waxana uu hambalyeeyey Ardayga Kaalinta Koowaad u galay Dugsiyada Sare ee Somaliland oo Digsiyada Nuradin Katirsanaa. Maamule Mahad oo waxyar kadib markii Natiijada imtixaanaadka lagu dhawaaqay saxaafadda la Hadlay, ayaa dareen farxadeed ku qaabilay Guusha usoo hoyatay Dugsiyadiisa iyo sida ay guushaasi sare ugu qaadayso Magicii iyo Miligihii Dugsiyada Nuradin ku lahaayeen Bulshada Dhexdeeda. Maamulaha Guud Mudane Mahad, waxa uu , addeeyey in marka laga tago Ardayga Kaalinta Koowaad u galay inaanay gebi ahaanba Ardayda Dugsiyadiisa sare ka baxday sanadku ku jirin wax keenay Derejada C-da, isla-markaana ay dhammaantood yihiin Derejooyinka A-da iyo B-da, “waxan si weyn ugu faraxsanahay Kaalinta Ay dugsiyada Nuradin ka galeen Imtixaanadii la qaaday, waxana aan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ardayga Kaalinta Koowaad Galay. Sidoo kale waxan u mahad naqayaa macallimiinta iyo maamulka kala duwan ee Dugsiyada Nuradiin.” Ayuu yidhi Maamule Mahad Ibraahim. Maamulaha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi, “ waxa kale oo aan jecelahay inaan idiin sheego in sanadkan Gebi ahaanba Ardayda Nuradin ka Baxday aanay ku jirin Waxa keenay Derejada C-da. Ardayduna waxay kala keeneen Derejooyinka A-da iyo B-da, waana arrin kale oo farxad leh”ayuu yidhi Maamule Mahad Ibraahim. Dugsiyada Nuradin ayaa Sanadkan Kaalinta Koowaad waxa ay u galeen Dhammaanba dugsiyada sare ee Somaliland, waxana Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Cige oo kaalintaas galay uu keenay 755, iyo Saynab Axmed Maxamuud Sarhaye oo iyaduna Kaalinta Siddeedaad u gashay dhanka hablaha ardayda dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay iyadoo keentay 727 dhibcood sanadihii ugu dambeeyeyna ay Dugsiyadaasi si joogto ah Kaalmahaas u gelayeen.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN DAAWO SAWIRRADA: NUURADIIN Secondary School Oo Kaalinta 1aad U Galay Imtixaankii Shahaadiga...