Nuxurka Doodaha Fadhigii Natiijo-xumaystay Ee Hoggaanka Saddexda Xisbi-qaran Jilbaha Isku Dareen

0
46

“kala ra’yi baanu noqonay xisbul-xaakimka, laakiin berri isku ra’yi baanu noqon karnaa, wada-hadalladuna way noo sii socon karaan….”Guddoomiye Cirro

asxabta

Hargeysa:(Hubaal)-Kulankii shalay ee saddexda guddoomiye ee xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa noqday mid aanay waxba kasoo bixin, waxana ay dhinacyadu maalintii labaad kala kaceen iyaga oo aan wax tanaanulaad ah ka samaynin aragtiyihii kala duwanaa ee ay kala taagnaayeen.

Kulankan oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii ay saddexda dhinac mawqif midaysan uga yeelan lahaayeen doorashada madaxtinimada ee dalka ka qorshayn bisha saddexaad ee sanadkan, isla-markaana abaabulkeeda uu iska lahaa guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa noqon waayey mid la bogaadiyo, waxana  hoggaamiyaha UCID oo markii uu soo dhammaaday saxaafadda la hadlay sheegay inuu kulankoodu kud  dhammaaday midho la’aan, “Fadhigayagii maanta waxanu ku heshiinay inaanaan waxba ku heshiinin, laakiin haddii aanu UCID nahay ka hadhi mayno inaanu dadka isku soo jiidno” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa eedda ka leexiyey komishanka doorashooyinka qaranka, isaga oo xusay inaanay noqon Karin wax marba sida la rabo iyo rabitaanka cid gaar ah loo adeegsado, waxana uu yidhi Faysal Cali-waraabe, “ komishankuna hore waxa ay usoo saareen jadwal ah inay doorashadu waqtigeedii dhacdo June, 2015-kii, taasna canaan ba raacday oo waatii lagu diiday ee 22-ka  bilood lagu daray, Komishankuna ma aha wax marka loo baahan yahayna  lasoo qaadanayo, marka aan loo baahnayna la tuurayo, maantana arrinta taagani arrin Komishan ka talin karo ma aha, maalin bulshada caalamka loo habradona ma ahee waa maalin ilaahay laga baqo.”

Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa rajo wanaagsan oo la isku afgaran karo muujiyey, waxase uu carrabka ku adkeeyey in dhawaaqa Komishanka iyo warbixinta ay soo saareen sabab u tahay in dib udhac badka lasoo dhigo, waxana uu yidhi,“kala ra’yi baanu noqonay xisbul-xaakimka, laakiin berri isku ra’yi baanu noqon karnaa, wada-hadalladuna way noo sii socon karaan, komishankuna maalintii dhaweyd warbixintii qiimaynta ee xaaladda guud ee dalka ayey noosoo bandhigeen, waxana ay xuseen in 74% ay dalka abaari ka jirto, waxay kale oo sheegeen in dadkii kaadhadhka la siin lahaa 868-goobood intoodii badnayd ka maqan yihiin goobahaas abaarta awgeed, waxana aynu ognahay in abaartu sii xumaanayso, dhimashadii dadkana xalay(habeen hore) ayeynu maqlaynay.”

Guddoomiye Cirro waxa uu farta ku fiiqay in muhiimaddu tahay in talo la wada leeyahay oo loo dhan yahay lagu go’aamiyo muddo-kordhin kooban oo xaaladda jirta lagaga baxo,“maadaama dadkii maqan yahay ra’yigayagu waxa uu ahaa in laga wada tashado doorashadii ma qaban karnaa, kaadhadhkii ma qaybin karnaa, ra’yigaasuna waxa uu noogu muuqday in dadku badbaado u baahan yahay oo badbaadada la horraysiiyo, lagana tashado waqti dhaw oo aan kan ahayn doorasho ma qaban karnaa” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Dhinaciisa gudoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadlay, ayaa sheegay in xukuumadda iyo xisbigeeduba aaminsan yihiin in go’aaminta waqtida doorashada loo daayo guddidii Doorashooyinka ee loo igmaday, isla-markaana aan la abuurin jawi kale oo ay doorashadu dib ugu dhici karto, waxana uu yidhi, “Laba ra’yi ayaanu maanta isku keenaay, annaguna haddaanu xisbul-xaakimkii nahay waxanu istaagnay mawqifka ah waxa inoo haya doorashada waqtiga la goynayo iyo ka hadalkeeda guddida doorashooyinka qaranka, iyagaana xaaladda qiimayn kara, iyagaana ku dhawaaqi kara oo odhan kara sidaas halla yeello, kaas ayaanu u hoggaansamaynaa haddaanu xisbul-xaakimka iyo xukuumadda nahay, markaa xilkaas aynu u dayno qoladaas, wixii ra’yi ahna iyaga halloo daayo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here