Nuxurka Fariin ay Beesha Caalamku U Dirtey Jamhuuriyada Somaliland

0
9

Akhri Bayaanka Beesha Caalamku Kasoo Saartay Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa(Hubaal) Dalalka Beesha caalamka ee ka taageera Jamhuuriyadda Somaliland hannaanka doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda, ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadda ee Somaliland in ay caddeeyaan jidka loo marayo doorashooyinka soo socda, iyada oo hannaan wadatashi oo loo midaysan yahay oo waafaqsan distuurka iyo shuruucda dalka.

Bayaan Beesha Caalamku soo saareen maanta waxay ku sheegeen in si waafaqsan shuruucda iyo dastuurka Somaliland, la xaqiijiyo in doorashada ay ka dhex muuqdaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda, marka laga hadlayo ka qayb galka dumarka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay. in ay muhiim tahay in la bilaabo oo la diyaariyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka ee ay Komishanka Doorashooyinka Somaliland gacanta ku hayaan, si loo dhammaystiro ka hor waqtiga doorashada soo socota ee madaxtooyada.

Beesha caalamku waxay ballanqaadeen inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Somaliland.

“kadib guushii doorashadii isku sidkanayd ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka ee Somaliland ka qabsoontay sannadkii tagay waxa ay Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageerta hannaanka dimoqraaddiyaddu tageen magaalada Hargeysa, 24-27 January, si loola falanqeeyo tallaabooyinka xiga iyo waqtiga doorashooyinka soo aaddan saamilayda siyaasadda,” ayaa lagu yidhi bayaanka Beesha Caalamka.

Bayaanka ayaa hoggaamiyeyaasha Somaliland ku boorrinayey in ay kala caddeeyaan hannaanka doorashooyinka sannadkan astaysan u qabsoomayaan iyaga oo u maraya wadahadal, iskuna raacaya habka doorashadu u qabsoomayso oo la isla oggol yahay, taas oo waafaqsan xeerarka iyo dastuurka Somaliland.

Waxa kale oo bayaanka Beesha Caalamka lagu sheegay inay muhiim tahay in Komishanka Doorashooyinka hadda bilaabo diiwaangelinta codbixiyeyaasha si loogu dhammaystiro waqtigooda la jaanqaadaya qabsoomidda doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa qoraalkooda ku soo gabagabeeyey in ay sii wada doonaan taageerada Somaliland ee ay waqtiga badan soo wadeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here